Blogger Widgets

Sawirro: Marwada Mugabe oo dhaawac u geysatay Gabar da’ yar

Bulsha:- Saxaafada dalka South Africa ayaa baahisay warar sheegaya in marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ay geysatay tacadiyo.

Grace Mugabe, ayaa lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay Gabar da’ yar oo ay isku maandhaafen Hoteel ku yaalla dalkaa.

Gabadha eedeeymaha u jeedisay marwada Mugabe ayaa sheegtay in madaxa looga dhuftay jug, isla markaana xadgudubkaa ay kala kulantay Xaaska Mugabe.

Grace Mugabe oo loo heysto eeda ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay.

Marwo Grace ayaan ilaa iyo hadda aan ka hadal eedaynta loo soo jeediyay.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment