Sawirro: Gabadhii ugu horeysay ee Somalia ka noqota duuliso oo ku sigatay in Garoonka Xamar ay ka duuliso diyaarad

Bulsha:-  Gabadhii ugu horreysay Soomaaliyeed ee duuliso ka noqota diyaarad ciidan Asli Xasan Cabaade, ayaa booqasho gaara ku tagtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Asli Xasan Cabaade, oo mar hore ay ugu danbeysay duulinta diyaarada ayaa iminka ku sigatay inay dib u xasuusato duuliyanimadeeda.

Asli Xasan Cabaade oo ay ka muuqatay xamaasad ayaa isku dayday inay kiciso diyaarad nooca yaryar, balse waxaa shaki ka galay inay sii wadi karto diyaarada iyo inay ilowday, maadaama wixii ka danbeeyay burburka Dowlada Dhexe aysan Somalia helin diyaarad.

Diyaarada ay isku dayday Asli ayaa nooceeda lagu sheegay Dash 8 passenger aircraft taas oo garoonka Muqdisho fadhisay.

Asli ayaa sheegtay inay weli jirto jaro ay kusii wadi karto diyaarada, balse nasiib darro aysan jirin diyaarad ay u madaxbanaan tahay Somalia.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment