Ninyahoow Iska ilaasha Gabadha Tilmaamahan Leh Guur Magashe….

Bulsha:- Waxaa fiican marka ii ninka dhalinyarada ah u talaabsanayo sameynta guurka in uu dhinacyo badan ka eego qofta uu doonayo in nolosha uu la wadaago.

Haweeneyda go’aan qaadashada aqoon: guurka waa shirko laba qof u dhaxeeysa looma baahna dhinac sadexaad , waxaa jira haween kaligood aan go`aan qaadan karin oo dhinac sedexaad sheekada soo gilinaya sida waalidkeeda ama walaalaheda oo weli isu haysata in ay dhoocil yar tahay ., midda noocaas ah awood umaaha in sirta ninkeeda qariso.

Haweeneeyda Fud fud: midaan fir fircooni ayay leedahay oo waxaad moodaaba in weli da’dii dhoocilnimo in ay ku jirto noloshaada farxad iyo kaftan ayay ka buuxineysa balse waa halis waayo ma awoodo in ay mas`uuliyad qaado kana hor tagto dhibaatooyinka qoyska , waxa ayna galeysaa qaldaad waa weyn.

Gabadha Jecel in ninka la haysto uu u noqdo: Guurka waa sida markab hadii laba hogaamiyaal ay leedahay waa ay degtaa , marka haweeneyda jecel in si xoogan u giliso fikradaheeda ninka isla markaana qaadato go`aanada si iyada u gaar ah taasi waxa ay keeneysa in jaceylka uu bur buro.

Gabadha Damaca Badan: waxaa jira haween aan aqoon wadada qanacsanaanta , ma fiiriyaan daruufaha dhaqaale ee ragooda kaliya wax aay jecel yihiin wax uusan awoodin in ay qoorta u suraan oo kaliya in dantooda loo yeelo ayaa u cad ,taas waa mid ugu daran ninkana daaqada ayuu deg deg uga baxayaa.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment