Madaxwaynaha oo magacaabay gudiga Taakulaynta Ciidanka iyo La taliyeyaal

Bulsha:- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Sidoo kale Madaxwaynaha waxaa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:

1. Jen. Cabdulqaadir Cali Diini

2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )

3. Prof. Muuse Aadan

4. Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigay )

5. Shukri Maxamed Afrax

6. Sh. Abuukar Bashiir Sh. Cabdullaahi

7. Sh. Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )

8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh

9. Caasha Abuukar Qaasim

10. Abuukar Sheekh Cismaan

11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow

12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan

13. Feysal Weheliye Macalin Cumar
Dhanka kale, Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sareeye Guuto Axmed Sheekh Maxamed, Lataliyaha Amniga Qaranka, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe)  La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed Cabdirisaaq, La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment