Jacaylka Iyo siyaasada Magacyo Kala-Dheer oo Hadana Isku-lingaxan.

Bulsha:- Jacaylka iyo Siyaasadu Waa magacyada ugu caansan dunidan aan joogno tan iyo inta la xasuusto, Sababtu wax kale maaha waxay labaduba ku foolan yihiin Arimaha Bini-aadamka, Sidaad ogtahayna Aadamuhu waa waxa ugu Mudan noloshan Aduunyo, Anigu maan odhan Sidan ee Uumihii Kownka iska lahaa ayaa inoogu mana sheegtay Kitaabkiisa dahiran dhexdiisa, Waa Runtay oo Jacaylku waa Damac qof-u-qabtay-qof-kale si uu noloshiisa ugu lamaaneeyo, dhib iyo dheefna ula qaysado, Sidaa darteed waa Faduulinimo iyo Xad-gudub, Halka Siyaasaduna tahay Isdire u tafaxayday inuu badalo nolosha bulsho uu qayb ka yahay, taaso baylaha uga muuqatay, Bal u fiirso Siyaasinteena iyo Qolyaha jacaylku dishooday intuba waxay wadaagan balan-qaadyo, Xiiq Iyo Hurda Naf-iyo-maalba si ay dhinaca kale ugu dirqiyaan inuu raaco waxay u sheegayaan iskana dhaga mariyo Eedaha laga yaabo in cid kale ka sheegayso.

Aan sii wato doodaydee Jacaylka iyo Siyaasadaba waxa sal u ah Damac, haday tahay mid shakhsiyeed iyo mid bulshaba, Waa jacaylkee wuxuu damac kaa galaya qof kaa madax banaan haday noqoto: abuur muuqada ama qarsoon (Opposite Sex), duruuf dhaqaale, dabeecad iyo hab-dhaqan bulsho, Halka Siyaasadana aad beegsanayso midaynta Quluubta iyo Afkaarta kala duwan ee Heer Qaran, Degmo ila Xafadeed, Afkaartaaso salka ku haysa hab-nololeed gabi ahaantiba kala duwan, Midi waa sheekh Salafi ah, halka mid kale yahay Qaadirya shalaadka balo ku qaba, midi waa Sabool af iyo gacan xaal ka joogo, halka Jaarkiisu Baahida Sheeko ku maqlo, Midi waa Laan-dheere isku abtiriyey, halka ka kale yahay qolodii nabigu (SCW) lahaa, Illaahay eegi Maayo magacyadiine iyo Maalkiine ee wuxu eegaya Quluubinta iyo Acmaashina, Mid aan ka fogayn waa Boqor iyo Suldaan, halka Mid kale yahay Geel jir u dabran talada uu soo jaro suldankaasi.



Dhamaan arimahan waxa sii dheer Jacaylka iyo Siyaasaduba waxay wadaagan Warwar joogto ah iyo Isbadal aan saadal lahayn, maxaa yeelay labaduba waxay ku xidhan yihiin Bani-aadam dhaqan ahaan caan ku ah la Gadgadoonka Xiliyada iyo Xaaladaha hadba jira, waliba ay u dheertahay Madax-adayg iyo Luqun-taag faro badan, Yeelkeede Qofka wax jecel iyo Siyaasiguba waxay wadaagan fikir badan maxaa yeelay waxay isku dayaan inay saxaan Xisaab nololeedka 2+2=5, sababtoo ah waxay raadiyaan Raali-galinta Insaanka oo ah Hadaf aan Alle mooye cid kale xaqiijin, Ha ilaabin Aayadii “Insaanka waxaan ka Abuurnay Haluuc (Wax aan fadhiyin, Hadu Dhib dareemo waa Cabanaya, Quusanaya, Calaacalaya, Haduu Barwaaqo helana waa kibraya, Qooqaya, oo Xad gudbaya, mid Alle Badbaadsho mooye), Aakhirki Siyaasiga iyo Dhibanaha jacayl-ba ula dhaqan sidii Qof jiran oo Jini haleelay, Waayo Maaha mid dhago u haya wax sheega, Qaniciisuna waa Waayo aragnimada naftiisa oo qudha!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment