Heesta Magaca Golmaal Again Xambaarsan Imisa Maalmood Ayaa La Duubayay

Bulsha:- Director Rohit Shetty iyo kooxdiisa Golmaal Again ee uu Super Star Ajay Devgn hogaaminayo waxaa ka go’aan ah in mashruucada ka dhigaan mid aad u weyn.

Waxaa la xaqiijiyay in heesta magaca Golmaal Again kaligeed mudo 10-maalmood lagu duubayay magalaada Hyderabad waana hees weyn oo si wacan loo diyaariyay dad aad u fara badana duubisteeda ka qayb qaateen.

WARAR DHEERAAD AH:
Director Rohit Shetty ayaa ka balan qaaday taageerayaasha taxanaha Golmaal in qaybta 4-aad fariin ahaan aad u wacan tahay sidoo kalena shactiro xad dhaaf ah lagu soo bandhigi doono.

Golmaal Again waxaa la daawan doonaa Diwali 2017 oo ku beegan 19-ka October waana xiliga feestada ugu weyn Hindiya ayaa lagu beegay filimkaan.

Golmaal Again waxaa wada jilayaan Ajay Devgn, Arshad Warsi, Parineeti Chopra, Tabu, Tusshar Kapoor, Shreyas Talpade, Kunal Khemu, Niel Nitin Mukesh iyo jilaayaal kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment