Haweenka oo La Ogaaday in Ay Waxyaabo Badan Kaga Fiicanyihiin Raga

Bulsha:- Jariirada Bild ee dalka jarmalka ayaa sheegay 100 shey oo dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga. Boqolkan arimood ee jariiradu shegtay ayaa u kalla qeybsan qaar ku salaysan cilmli baadhis iyo qaar ku saabsan nolosha caadiga ah ee shaqooyinka uu qofku malintii qabto.

Arimahaa ayaa jariiradu waxa ay ugu horeysiisay in dumarku kaga fiican yihiin ragga sida ay u illaaliyaan kalsoonida naftooda, iyadoo taa lagu macneeyey in dumarku awoodaan inay ilaaliyaan kalsoonida aynaftooda ku qabaan, iyadoo aanay dumarku u muuqan qaar khal khalsan xitaa hadii arintu tahay macluumaad laga doonayo ama ay gudbinayaan. Taas oo macnaheedu yahay ma ka tagaan degenaanshaha.

Arinta labaad ayaa lagu sheegay in dumarku ay ragga kaga awoodbadan yihiin sidii ay u dooran lahayeen magaallo ay u dalxiis tagayaan xitaa hadii aanay hore ugu sii qorsheysneyn.

Daraasadan oo ay sameysay jaamacada Southern California University ee dalka Mareykanka ayaa waxa kale oo ay ku dartay arimaha dumarku ragga kaga wanagsan yihiin maamulka shaqaalaha, iyaga oo taa sabab uga dhigay in dumarka ay ku kulmeen ama ay leeyihiin laba sifo oo muhiim u ah maamulka shaqaalaha, kuwaas oo kalla ah awood iyo dabeecd wanaagsan oo shaqaalaha ay ku kasban karaan.

Boqolka arimood ee ay dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga ayaa waxaaka mid ah, iyagoo aad ugaga fiican isticmaalka ama dhihida kalmada (Xabiibi) ee ay ku odhanayaan raggooda.

Daraasadan ayaa waxa kaloo ay ku dartay arimaha dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga arimaha sameynta baabuurta iyagoo taa dalliil uga dhigay hadalka ninka mas’uulka ka ah warshada babuurta sameysa ee Porsche. Kaas oo sheegay in dumar badan ay ka shaqeeyaan qeybta makaanikada ee baabuurta lagu sameeyo ee shirkada. Isaga oo sheegay in dumarkaasi aad ugaga wanaagsn yihiin ragga arimaha makanikada ee baabuurtaa iyo walliba naqshadayntooda.

Arimaha ayaa waxa kale oo ay daraasadan ku sheegtay in dumarku ay ka been yar yihiin ragga oo raggu yihiin kuwo sheegga been aad uga badan ta ay dumarku sheegaan.

Arinta kalle ee dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga ayaa lagu sheegay in ay dumarku xamillaan cadaadiska badan ee kaga imanaya dhinaca shaqada ama mas’uuliyiinta shaqada, iyadoo warbixintani sheegtay in taa ay dumarka u suuro gallisay hormoonada dhedignimo, iyagoo walliba awoodi kara inay ku shaqeeyaan xitaa hadii cadaadis badan lagu hayo.



Warbixintan ayaa sheegtay in arimaha kale ay ka mid yihiin in dumarku garanayaan sida ay u qiimeyn lahayeen hurdadooda, isla markaana ay maalin walba seexdaan intii ay hurdada uga baahnaayeen, halka raggu laga yaabo inuu habeenkii inta badan soo jeeddo.

Arinta ugu danbeysa ee jariiradu qortay ayaa ah in dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga illaalinta timaha iyagoo dumarku lahaada timahooda oo dhan iyagoo sodon jir ah. halka raggu ay markiiba timahooda lumiyaan iyagoo yar yar, isla markaana ay bidaar yeeshaan.

Qodobadan waa intii ay jariiradu ka qortay boqolka arimood ee dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga.

W/Q:-  Xubi Xaaji Axmed










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment