Fikirka Reeban ee Raaxada ee Habluhu ku Fikiraan

Bulsha:-  Waxa natiijadan soo saartay  khuburada hore u soo daristay raga oo ka hawlgala maxadka sameeyay baaritaankan oo la dhaho Seductionslabs ( laabka soojiidashada).

Inkasta oo dumarku ka duwanyihiin raga sida ay u fikirayaan marka ay tahay fikirka ku saabsan galmada ayaa ayaguna ka yaraysan raga.  Marka ay tahay dhinaca fikirka galmada ayaa waxa jira cadaadis ka saaran hablaha meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. Laakiin in uu qofku ku fikiro waxa uu rabo waa mid aan la is hortaagi karin. Maxaa yeelay lama arko waxa ku jira qalbiga ama madaxa qofka oo uu ku fikirayo. Laakiin waxa dhibku dhacayaa marka uu qofku ku kaco waxa uu ku fikirayo.

Hadaba halkan hoose ayaa waxa aan soo galinaynaa dhowr ka mid ah fikirka reeban ee hablaha firkirkooda galmada:

1-      Galmo nin ayna kasayn
Waxa ay ku fikiraan in ay la kulmaabn nin ayna aqoon oo ay si buuxda ula raaxaysataan.

2-      Gabar la soo dalbado
In ay ka samayso  lacag naagnimadeed oo ay tusaale ahaan meel ka niikiso. Fikirkan oo ah mid galaya xadka u dhaxeeya maxaa sax ah iyo maxaa sharci ah ayaa waxa ay gabartu ka helaysaa dareen aad u xoogan.

3-      Nin u ah adoonka raaxada
Rag iyo dumar ayaa waxa ay labaduba ka siman yihiin in ay ku dhalato fikir ah in ay noqdaan adeege iyo loo adeege. Adeege oo ah ka noqonaya adoonka iyo loo adeege oo nogonaya ka adoonsanaya. Hadaba hablaha ayaa waxa ay k u fikiraan in ay lahaan lahaayeen adoonka raaxada, walibana u adeega.

4-      Nin ka ka dá yar
Sidoo kale wax ay labaduba rag iyo dumar ka siman yihiin fikirka reeban ee ah in ay la kulmaan oo ay la raaxaystaan da´ka yar ta ay ku jiraan.

5-      Meel  fagaare ah
Waxa kale oo habluhu ku fikiraan in ay kula raaxaysan lahaayeen ragooda meel khatar ah oo la arki karo sida ayaga oo jooga meel kayn ah, meel xeeb ah ama baabuur dhexdiis. Maaha meesha ama xiliga la joogo ta muhiimka ah. Waxa muhiim ah waxa kor u qaaadaya xaraarada iyo xarakaadka taas oo ku dhalinaysa dareen xoogan.


Waxa kale oo safka ku jira in ay habluhu ku fikiraan in si xoog ah lagula raaxayso, laakiin waa fikir aan gabarina rabina run ahaanti oo ayna ogolaanayn in sidaas lagula dhaqmo.

Hadaba baaritaankan oo ah mid hada la smaeeyay ayaa waxa uu la socdaa casrigan aan hada ku jirno. Waxaana dhici karta in ay wax iska bedalaan mustaqbalka soo socda. Waxii soo kordhana waxa inoo  soo bandhigi doona khuburada darista xiriirka ka dhexeeya raga iyo dumarka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment