DAAWO SAWIRADA:- Tuugo Timaha xadda oo Cabsi ku beeray haweenka Hindiya

Bulsha:- In ka badan 50haween ah ayaa gobolka Haryana iyo Rajasthan ee wuqooyiga dalka Hindiya waxa la sheegay in timmaha laga jaray iyaga oo miir daboolan oo suuxsan.

Booliiska ayaa la daalaa dhacaya in ay xaliyaan dhibaatadani aan la ogayn waxa ay tahay taasi oo haween badan ku beertay cabsi iyo walaac sida ay ku waranmay wariyaha BBC Vikas Pandey.

“Waxa indhaha hal mar iga maray iftiin hilaac ahaan ah ka dib waaN miirdaboolmay saacad ka dib ,waxa aan arkay timahaygii oo la jaray,” waxaa sidaasi sheegtay Sunita Devi, oo ah haweenay 53 jir ah oo ku nool Bhimgarh Kheri ee degmada Gurgaon ee gobolka Haryana.

Dhacdadani oo ku dhacday jimcihii ayaa waxa ay ku beertay cabsi badan.

“Ma awoodo in aan hurdo amaba aan si toos ah howl u qabsado ,waxa aan aqriyay in dhacdooyiinkan oo kale ay ka dhacaan Rajasthan,balse marna kuma fikirin in ay aniga igu dhacayso,” ayay ku nuuxnuuxsatay.

Wararka sheegaya waxyaabahan aan la arkayn balse haweenka timaha ka jaraya ayaa markii ugu horaysay soo baxay bishii July degaanka Rajasthan, haseyeeshee dhacdooyiin kale ayaa laga soo sheegay Haryana iyo xitaa caasimada,Delhi.

Sunita Devi waxa ay ku dhex nooshahay bulsho ganacsato iyo beeralay ah.

Dadka ku nool tuulada ay degan tahay ayaa imika isugu soo uruuray gurigeeda si ay u weheliyaan inta ay ka soo kabsanayso cabsidii ay ka qaaday weerarkii ay la kulantay.

Waxa ay sheegtay in waxa weerarka ku soo qaaday uu ahaa nin da’a ah oo ku labisan dhar midibkiisu yahay caddaan indhuhu qabanayaan.

Dadkii guriga kula sugnaa oo ay ka mid ahayd gabar uu dhaxda wiilkeeda Ayaan maqlin islamarkana aan arkin waxa ku dhacay Sunita Devi.

Sunita ayaa sheegtay in markii ay dariskeeda waydiisay in ay arkayeen waxa weeraray ay sheegeen in aysan waxbo arkin taasi oo walaaca sii badisay.

Meel u jirta wax yar, Asha Devi ayaa iyaduna timaheeda ku waysay dhacdo tan la mid ah ka dib markii ay miir daboolantay islmarkana laga jaray timaheeda.

Balse Asha Devi ayaa dhacdadeeda ka duwanayd Sunita,waxa ay aragtay oo timaha ka jaray na waxa ay ahayd haweenay.

Waxa ay sheegtay in wax waliba oo ku dhacay uu ahaayeen il biriqsiyo.

Reena Devi, oo 28 jir ah , kuna nool tuulada Jonawasa ayaa dhankeeda sheegtay in la weeraray Khamiistii balse waxa weerary markan uu u muuqday Bisad.

” Waxa aan waday howsha guriga markaan arkay wax madow oo wayn una eg Bisad waxa aan dareemay qof taabanaya garabhayga ,markaas ayaana miir iigu danbaysay “ayay tiri Reena.

Afhayeenka booliiska gobolka Gurgaon Ravinder Kumar ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyiinkan ayna baareen balse uusan jirin wax muuqda.

Xigasho BBC

Hoos ka Daawo Sawirada:-









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment