Xiisada Ilkacase iyo Farxiya Kabayare iyo isticmaalka sawirka mas’uul qaran

Bulsha:- Fanaanka nuuca heesaha rap-ka ah qaada ee Soomaaliga ah Qeys Ilkacase ayaa u gafay gabadha iyaduna heesaha dabacsan heesta ee Farxiyo Kabayare, sida qoraaladiisa ka muuqatay wuxuu ku andacoonayay iney iyadu bilaawday dhaga hadalka, si walbaba waxaa jirta kala duwanaansho Ilkacase iyo kabayare ah.

Yeelkiis dagaalka labadooda u dhaxeeya, laakiin waxaa is weydiin mudan sax miyaa inuu qofi saarto profile-kiisa facebook sawir qof masuul qaran ah kadibna uu aflagaadeeyo cidii uu doono ama wax been abuur ah uu faafiyo,.

markii aan eegno caqliyadda saliimka ah iyo xeerarka dunidda horey u martay jawaabtu waa maya, sababtoo ah waxaa loo fahmi karaa inuu masuulkaas waxaan socda raali ka yahay ama uu isaguba waddo, hagaag hadii ay dhacdo in qof wata sawir masuul qaran uu dad aflagaadeeyo ama faafiyo waxyaabo been abuur ah maxey tahay ciqaabtiisu hadii uusan masuulkaasi raali ka aheyn ? .


Dalka Jarmalka nin soo galooti Suuriyaan ah ayaa sawir selfie ah la wadaagay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel bishii September sanadkii 2015 kadibna waxaa uu saartay Profile-kiisa Facebook,wuxuu bilaabay inuu baahiyo warar been buur ah si uu macaamiil badan u helo,
dad badan run ayey u qaadan jireen xogtiisa madaama uu heysto sawirka isaga iyo Chancellor-ka Jarmalka Angela Merkel, 6-dii Febraayo 2017 ayaa lagu soo oogay dacwad aheyd in isagoo isticmaalaya sawirka Ra’iisul wasaaraha inuu faafiyay warar been ah , 7-dii March ee sanadkaan ayaa Anas Modamani oo 19 jir ahaa lagu xakumay xarig, lacag iyo inuu ka saaro bartiisa sawirka iyo xogta beenta ah.



Fanaan ilkacase waxaa ila quman in hadii uu rabo in cid walba uu weeraro inuu iska dajiyo sawirka gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi oo uusan u gafin masuulkaas oo hadda xil muhiim ah u haya qaranka.

W/Q: Cabdullahi Cismaan Faarax










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment