Waalidiin diiday arrin ay Shabaab ka damacsaneyd caruurtooda oo arrin yaab leh lagula kacay

Bulsha:-  Wararka laga helayo gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in 93 qof oo isugu jira odayaal, ganacsato iyo waxgarad lagu xiray deegaanka War-Shubo oo qiyaastii 90km dhanka galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Dadkan oo lagu xiray masjid ay ku tukadeen salaaddii cishaha ee xalay ayaa la sheegay in loo xiray in ay ku guuldaraysteen inay ku wareejiyaan carruurtooda Al-Shabaab oo horey uga dalbatay in gacanta loo soo galiyo si ay madaaristooda waxbarashada u geeyaan.

Dad ku sugan deegaanka oo diiday in magacooda la soo xigto sababo amni darteed ayaa BBC-da u sheegay in Khaliif Maxamad Warsame oo loo yaqaano Khaliif Cadale oo kamid ah saraakiisha Al-Shabaab uu ka dalbaday odayaasha inay keenaan 100 carruura oo ay geeyaan madaarsitooda, haddii kale ay halkaas ku xirnaanayaan.
Al-Shabaab oo gacanta ku haysa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay ku cadaadinayay odayaasha qabaa’ilka inay keenaan caruurtooda si loogu tarbiyeeyo afkaartooda, waxaana jira reero ku wareejiyay ilmahooda. Sidoo kale waxa jira kuwo lagala baxsaday deegaanka oo magaalooyin kale la geeyay iyo carruur la qabtay iyadoo lala baxsanayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment