Turkiga oo ciidamo cusub oo ajaaniib ah u tababaraaya Qadar (Ujeedka+Cadadka)

Bulsha:- Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga, waxaa ciidamo cusub loo tababarayaa dowlada Qadar oo ay xiisad kala dhexeyso xulafada Sacuudia.

Ciidamadan loo tababaraayo Qadar ayaa u badan Ajaaniib kasoo kala jeeda dalal african oo dhowr ah.

Tababarka ciidamada ayaa waxaa la sheegay inuu ka furmay Xero ciidan oo ku taalla Galbeedka magaalada Istanbuul.

Ciidamadani ayaa tirro ahaan dhan 1,700, waxaana loo tababarayaa ka howlgalka xuduudaha si ay u kaaban ciidamada ilaalada ka ah Xuduudaha Qadar oo iminka aan gaarsiisneen cadadka loogu tallo galay.

Dowlada Turkiga ayaa si xad dhaafa u garabtaagan dowlada Qadar oo ay ku kacsan tahay duufaano Siyaasadeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in Turkiga uu sabab u noqday fashilinta qorsho afganbi oo Xulafada Sacuudiga ay la damacsanaayen Qadar.
Dhinaca kale, dowlada Qadar oo aad ay u yaryihiin dadkeeda ayaa inta badan ciidamo ahaan u qorata dadka shisheeyaha ah ee mudada badan ku dhex dhaqmay dalkeeda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment