Sirdoonka Mareykanka oo shaaca ka qaaday warbixin ceeb dhex joojisay Imaaraadka

Bulsha:-  Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay afduubkii Internet ee lagu sameeyey hay’adaha warbaahinta dowladda Qatar ee dhaliyey xiisadda ka aloolsan gacanka Carbeed.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.

Warbixinno ay soo ururiyeen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in madaxda Imaaraadka ay 23-kii May ka doodeen arrintan, si qiil loogu raadiyo in xiriirka loo jaro dalka Qatar.

Si kastaba, warbixintu waxay sheegtay in weli aysan kala caddeyn in Imaaraadka ay si toos ah ugu dhaqaaqeen afduubkan internet, ama ay adeegsadeen shirkado u fuliyo, hase yeeshee ay caddahay in qorshahan ay ayaga lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington DC, Yousef al-Otaiba, ayaa si kulul u beeniyey in dalkiisa uu ka dambeeyey arrintan.

“Imaaraadka haba yaraatee wax lug ah kuma lahan afduubkan Internet ee la sheegay, balse waxaan shaki ku jirin in Qatar ay maal-geliso argagixisada” ayuu yiri.

Warbixinta sirdoonka Mareykanka ayaa caddeyn u ah in Qatar gardarro lagu maagay, islamarkaana Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin dambiilayaal ku kacay burcadnimo dhinaca Internet-ka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment