Muuqaalka Dareenka Ku Dheehnaa Oo Ay Wada Sameeyeen Ajay Iyo Ileana Oo Filimka Baadshaho Laga Jaraayo!

Bulsha:- Director Milan Luthria iyo kooxdiisa filimka Baadshaho waxay ku qaadatay 10-daqiiqo inay muuqaal dareen ku dheehan ka duubaan Ajay Devgn iyo Ileana D’Cruz.

Xitaa goos gooska filimkaan iyo hees u gaar ah labadaan jilaa ayaa lagu soo bandhigay muuqaalkaan hadal heynta xoogan dhaliyay.

Laakiin Director Milan Luthria ayaa go’aan ku gaaray inuu muuqaalkaan ka jaro gabi ahaanba filimka Baadshaho ka hor inta aan la horgeynin gudiga filimada faaf reebaan.

Director Milan Luthria wuxuu yiri “Muuqaalka dareenka ah ee Ajay iyo Ileana dhex maraayo waxay nagu qaadatay 10-daqiiqo sameyntiisa hadana waxaan go’aan sanay inaan ka jarno filimka inkastoo sheekada filimka muhiim u yahay”

“Sababta waxay tahay ma rabno gudiga filimada faaf reebaan inay nagu soo celiyaan Baadshaho ama ay siiyaan shahaado dadka qaangaarka oo kaliya inay daawan karaan filimkeena”
“Sidaa darteed shumiskii Ajay iyo Ileana dhex maray iyo muuqaalada Ileana dhabarkeeda banaan yahay waan ka jarnay Baadshaho waxaana rajeyneynaa in la siin doono shahaado qof walbo uu filimkaan ku daawan karo”

Baadshaho waa filim Action iyo dhaca bangiyada isku jiro ah waxaana la daawan doonaa 1 September sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh jilaayasha ay ka mid yihiin Emraan Hashmi, Esha Gupta, Vidyut Jammwal iyo Sanjay Mishra











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment