Kangana Ranaut Oo Karbaashtay Saif Ali Khan Iyo Wareysi Rasmi Ah Oo Ay Bixisay!

Bulsha:-  Maalmo ka hor waxaan idinla wadaagnay in in Saif Ali Khan, Karan Johar iyo Varun Dhawan xafladii IIFA 2017 ku taageereen is qaraabeysiga Bollywood-ka ka jiro sidoo kalena si kaftan ku dheehan Kangana Ranaut ayay wax kaga sheegeen.

Laakiin sedexdaan jilaa dhaliil xoogan ayay kala kulmeen kaftankii IIFA 2017 ka sheegeen waxayna ku qasbanaadeen qof walbo inuu raali galin rasmi ah bixiyo.

Ugu dambeyntii Kangana Ranaut ayaa sheekadan ka hadashay ayadoo wareysi siisay wargeyska Mid-Day iyo waxyaabaha ay ka hadashay hoos kaga bogo:

Kangana Waxay Sheegtay In Dagaal Uusan Jirin Fikradaha La Is Dhaafsan Karo: Waxaan arkay warqad uu Saif Ali Khan qoray sidoo kalena arimaha is qaraabeysiga uu kaga hadlay laakiin warqadaan waxaa ka horeesay arin iga careysiisay oo ahayd in Karan Johar arimaha garab isi siinta uu baraha bulshada ku faafiyay.

Saaxibkeyga qaaliga ah Saif Ali Khan warqad uu fikirkiisa ku cabiraayo ayuu qoray, waxaana dadka ka codsan lahaa in wax walbo dhinaca qaladka loo fasiranin waayo fikrad ayaa la is dhaafsanaa ee dagaal dadka kama dhaxeeyo.

Saif warqadiisa wuxuu ku sheegay inuu aniga i raali gareeyay, laakiin aniga qof dacwad uma qabo qofna sharaxaad kama rabo waayo arinkaan wuu dhamaaday laakiin kaligay ma ahan qofka dhaliilsan in is qaraabeysi garab la isku siiyo.

Kangana Waxay Sheegtay In Is Qaraabeysiga Guul Dareestay: is qaraabeysiga waa arin lagu cel celiyo oo mudo soo jirtay si kuwa kale ee aan garabka heysanin qalbigooda dareen loogu abuuro.

WARAR DHEERAAD AH:
Sharafka iyo qiimeynta bulshada ayaa laga dhex halaa ee lagama helo inay garab ku siiyaan kuwa ehel ahaan fanka Hindiya isugu soo dhaweestaan!

Kangana Oo Saif Weerar Ku Qaaday: Saif wuxuu sheegay in hido ama dhaxal ahaan la isugu gudbiyo dhanka filim jilista in xirfad laga dhigto sidoo kalena waalidiinta caanka ah caruurta ay dhalaan dhaxal ahaan magac u yeelan karaan hadii ay dadaalaan.

Laakiin saaxiibkey Saif waxaan u sheegaa inaan mudo darsaayay hidaha dhaxal sidaha ah marka sidee faras lagu beeray faras kale hidahiisa jilaa u dhali karaa!

Saif ma waxaad ula jeednaa in filim jilista, jaceylka, sharafka, dadaalka iyo shaqada adag la qabto xirfad ahaan waalidka laga dhaxli karo hadii intaas uu lahaaan jiray!

Kangana Waxay Ka Hadashay In Kartida Iyo Jiliinka La Iska Dhaxli Karin: Aniga kuma arkin hidaha bini aadanka in la isku gudbin karo xirfadaha waayo waa ku dhalay ee isoo raac ma jirto.

Qof walbo nolosha waxa uu la imaado ayuu la kulmaa ee jilaa hadii uu ku dhalay jilaa caan ah ma noqon kartid hadii wax walbo la iska dhexli karo maanta ayaan dib u heli laheyn kuwa dunida wax badan kusoo kordhiyeen sida Einstein, Da Vinci, Shakespeare, Vivekananda, Stephen Hawking, Terence Tao, Daniel Day-Lewis, ama Gerhard Richter.”

Kangana Is Qaraabeysiga Waxay U Aragtaa Daciifnimo Jirto: Saxaafada yaan eeda dusha looga tuurin balse waxaa eed leh kuwa aaminsan in garab iyo is qaraabeysi lagu socon karo waana kuwo dafiic ah oo aan waxba qabsan karin.

Mararka qaar waan guuleesanaa mararka kalena waan guul dareesanaa laakiin ma jirto qof madaxa qori nooga haayo oo nagu qasbaayo inaan soo ergeno xirfad aan laheyn ama lahaan karin!

Gunaanadka Ay Kangana Sameesay: Run ahaantii wax walbo aan ka hadlay waxaan ku dhiiri galinaa kuwa aan qaraabada fanka Hindiya ku laheyn inay dareemaan Bollywood-ka in cidna aysan ka xigin sidoo kalena aan ka taqalusi karno ama ka guuleesan karno kuwa aaminsan inay fanka iyaga iska leeyihiin berina caruurtooda ka dhaxli doonaan!!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment