Kangana Ranaut Oo Dhaawac Soo Gaaray Xili Ay Duubeesay Filimkeeda Manikarnika – The Queen Of Jhansi

Bulsha:- Atirishada kartida badan Kangana Ranaut waxaa soo gaaray dhaawac xili ay filimkeeda taariikhiga ah Manikarnika – The Queen Of Jhansi duubeesay haatana waxaa la sheegay in mudo todobaad ah isbitaal ku jiri doonto.

Kangana waxay ka bad baaday dhaawac ay u geeriyoon kartay xili ay duubeesay dagaal dhanka seefaha ah inkastoo Director Krish ka dalbaday in muuqaalkaan qof kale sameeyo hadana Kangana wey ku gacan seertay.

Kangana waxaa loola cararay Apollo Hospital kadib seef xoogan foolka hore ee madaxa kaga dhacday waxaana la sheegay in haatan wajigeeda lagu dhajiyay faashad 15 inch dhirirkeeda yahay taasi oo caddeyn u ah dhaawaca soo gaaray halista uu leeyahay.

Kangana mudo todobaad ah ayay Apollo Hospital ku jiri doontaa kadibna waxay sheegtay ayadoo ka muuqato garaafada dhaawacaan sababay inay duubista filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi sii amba qaadi doonto.
Filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi waxaa la daawan doonaa 27 April 2017 waana filim weyn oo ay Kangana haatan shaqo adag ka heyso.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment