John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia Oo Isaga Baxeen Filimka Chor Nikal Ke Bhaaga

Bulsha:-  Waxaa bil ka hor la shaaciyay in John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia wada saxiixdeen filimka lagu magacaabo Chor Nikal Ke Bhaaga sidoo kale door muhiim ku yeelan lahaa Rajkummar Rao.

Laakiin wararka maanta soo baxaaya ayaa shaaca ka qaaday in John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia kawada baxeen filimka ay hori u saxiixdeen ee Chor Nikal Ke Bhaaga.

Kaba soo tag John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia waxaa kaloo filimka ka baxay Prerna Arora iyo Arjun N Kapoor oo ka mid ahaa maal giliyaasha filimka Rajkumar Gupta ayaan xaqiijiyay in John Iyo Tamannaah isaga baxeen filimka Chor Nikal Ke Bhaaga Waxaana la ogeyn sababta John Iyo Tamannaah hal mar isaga baxeen filimkaan.

Qorshaha ayaa ah in filimkaan duubis lagu bilaabo bisha October ee sanadkaan waxaan la sheegay in john Abraham booskiisa lagu badali doono jilaaga Kartik Aryan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment