Iran oo dhaqaalaha ay ka hesho Soomaaliya 38% kordhay sanadihii u danbeeyay

Bulsha:-  Xafiiska ururka ganacsiga u qaabilsan ee dalalka Carabta iyo Afrika ee dowladda Iiraan ayaa sheegay inuu kordhay daqliga dowladda Iiraan kasoo gala alaabaha ay u iib geyso Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Ururkaasi oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalka Iiraan ee lagu magacaabo IRNA ayaa lagu sheegay in dowladda Iiran Sanadkaan daqliga kasoo gala Alaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya in uu kordhay 38% kiiba.

Wakaaladda ayaa sheegtay in dowladda Iiran ay Soomaaliya u soo dhoofiso Alaabo ay ka mid yihiin Shamiitada, Cabitaanada,Dawooyinka iyo Alaabaha Maacuunta.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Iiran ayaa sheegay in dowladdaha Iiran iyo Soomaaliya uusan joogsan ganacsiga ka dhaxeeyay  tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Labadal.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan jirin waxyaabo dowladda Iiraan kaga yimaada dhanka Soomaaliya ama looga soo dhoofiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dowladda Iiran ka dib markii ay ku eedeeysay in ay Soomaaliya ka faafiso diinta Shiicadda, Waxaana dalka laga saaray dhammaan muwaadiniinta u dhashay Iiran ee ku sugnaa Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment