HOODO IYO AYAAN HADAAD LEEDAHAY GAYAANKAAGA GUURSO

Bulsha:- Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da’da ninka iyo da’da inanta uu guurkeeda doonayo

Abuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yartahay. Ha yeeshee kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da’ dhowyihiin, waxana markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali (RC) ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.

Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Sayidah Caa’ishah (RC) oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), ha yeeshee qoraaga kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo sababahaan soo socda awgood:

– Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro ahaa oo soo doontay.

– Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka sokow, kamid ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.

– Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.

– Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)



 12278897_124953377870885_9156483078906596721_n

D.Dhammaad faalladii Istambuuli.

Gabar baa gabar weydiisay: Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay tiri: “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna”. Markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye,,,, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee caqli badan?”

Sida ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.

Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?”. “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay”. Markaas bay tiri: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”. “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay.

Waxaa la yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa kahor timid naag uusan quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri: “Hadduu nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg”. Markaas bay ku tiri: “Maad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn baa igu yaalle”. “Maxaa kugu yaal?”. “Madaxayga cirraa ku taal”. Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo, waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag. Waxayna ku tiri: “Wallaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu nacaysaan”.

Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa siday kuula muuqato eh) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto? Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u roon iyo waxa ka reebban?












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment