HAWEENKA SOOMAALIYEED OO KU BAAQAY IN SI DEGDEG AH LOO MEEL MARIYO XEERKA XADGUDUBYADA DEMBIYADA GALMADA

Bulsha:- Soomaaliya ayaa maanta laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirika Xadguduyada Galmada ee xilliyada Colaadaha iyagoo lagu baaqay in si degdeg ah loo meelmariyo Xeerka Xadgudubyada Dembiyada Galmada ee dhowaan la horgeeyay baarlamanka federaalka ah.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu sameynayay wacyigelin ka dhan ah xadgudubka galmada laguna lafaggurayay sida loo yareyn lahaa dhacdooyinka, xilli ay beryahan dambe ku soo badanayaan meelaha qaar ee Soomaaliya ka mid ah.

Xafladdan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Howlgalka Kaalmeyta Qaramada Midoobay ee Soomaliya (UNSOM) iyo Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha (HINNA) oo ah hay’ad maxalli ah oo kaalmeysa dhibbanayaasha xadgudbyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare ee ka socda dhowr wasaaradood, qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka, ururrada bulshada rayidka, culumaa’u diin, arday iyo dadka barakacayaasha.

Fartuun Xasan Cali oo ah Maareeyaha Kiisaska ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, oo ka hadashay xafladda ayaa xustay in sharciga hadda la adeegsado ee ku aaddan xadgudubyada haweenka loo geysto uu yahay mid wakhtigiisa laga soo tegay, waxayna ku boorrisay xubnaha baarlamanka in ay si degdeg ah u ansixiyaan Xeerka Xadgudubka Galmada si ciqaabtooda la mariyo dadka ka dambeeya fal-dembiyeedkan ee raad weyn iyo xanuun badan ku reeba dhibbanayaasha.

“Hadda baarlamanka waxaa horyaalla Xeer qabyo ah ee ku saabsan Xadgudubyada Galmada kaasi oo u baahan in la ansixiyo si wax looga qabto tacaddiga loo geysto haweenka ee dalka. Haddii sharcigan la meel mariyo, wuxuu kaalin weyn ka geysanaya yareynta xadgudubyada ka dhan ah haweenka waxaana hoos u dhacaya fal-dembiyeedkan. In aan helno shacrigaas mooyaane, wax isbeddel ah lama arkayo,” ayay ka tiri Fartuun Xasan Cali xafladda maalinta Isniinta la qabtay ee wacyigelin laga sameynayay baahida loo qabo in si degdeg ah wax looga qabto xadgudubka ka dhanka ah haweenka.

Hooyo Caasha Shaur oo ah Guddoomiye ku xigeenka HINNA, ayaa ayadana ku raacday hadalkaas, ayada oo tiri in sharciga hadda yaal uu yahay mid aan baahida dabooli karin, uuna dhibbanayaasha u dammaanad qaadeynin in ay helayaan caddaalad. Marar badan, ayay tiri, dadka geysta xadgudubka galmada ciqaab la’aan ayay iska socdaan waxayna sii wadaan in ay dambigii geystaan sharciga oo liita dartiis.

“Dumarka ayaa badanaa ah dadka ugu badan ee colaadaha dhibta ka soo gaarto. Niman hubeysan ayaa dhexda u galaan oona kufsadaa iyagoo u aabayeeleynin xaaladooda. Waxaan oo dhanna waxaa sabab u ah sharciga oo dabacsan. Cid wax ka qabaneyso arrintaasi ma laha. Badanaa dambiilayaasha ciqaab la’aan ayay iska socdaan, dhibbanahana laga tagaa ayada oon haysanin cid wax u qabata. Haddii uu waddanku lahaan lahaa sharciyo xoog leh, arrimahan ma dhici lahayn,” ayay tiri Marwo Caasho Shaur.

Si kastaba ha ahaatee, Marwo Aadan Cali Maxamed oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda Federaalka ee Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in xukuumaddu ay qaaday tallaabo la taaban karo si ay u la dagaalanto dhibkani. Laakiin waxaay sidoo kale qirtay in tallaabooyin dheeri ah loo baahan yahay si loo ciribtiro fal-dembiyeedkan.

“Xadugubyada galmada hoos ayay u dhacday laakiin hadda waxaan dooneynaa inaan cirib tirno. Haddii aan la shaqayno dhammaan dadka ku lug leh, ururrada bulshada rayidka, hay’adaha aan dowliga ahayn, wasaaradaha ay khuseyso, iyo booliska waan awoodnaa markaasi in aan wax ka qabanno xadgudubyada galmada,” ayay xustay Marwo Cadar Cali Maxamed.

Fardowsa Cabdi Maxamuud oo ah Mas’uul UNSOM u qaabilsan Dhinaca Ilaalinta Haweenka ayaa sharraxday ahmiyadda ay maalintan leedahay waxayna sidoo kale ku dhiiri gelisay ka soo qaybgalayaasha in ay bulshadooda ka billaabaan wacyi gelin ka dhan xadgudbyada galmada.

“Waxa ugu muhiimsan maanta waa in farriintani dib loola noqdo dadka barakacayaasha ee ku jira xerooyinka lana fidiyo farriimaha ku saabsan xadgudubyada galmada. Boorarka inaad ku dhajisaan xerooyinkiina si dadku ay u arkaan lambarada ay soo wici karaan haddii arrimahan la kulmaan. Yaysan jirin qof ka aamuso arrimahan, yayna takoorin qof loo geystay xadgudb galmo ah,” ayay tiri Fardowsa Cabdi Maxamuud.

Marwo Cali ayaa UNSOM uga mahadnaqday sida ay isku keentay dadka ku  lug leh arrimahani si ay uga wada hadlaan Xeerka Dembiyada Galmada ee qabyada ah ee hadda hor yaala baarlamaanka.

Golaha Sare ee Qaramada Midoobay waxay labo sano ka hor Juun 19-keeda u qondeeysay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee xilliyada Colaadaha si kor loogu qaado wacyi gelin ku saabsan dhibkani. Maalinta Caalamiga ah waxaa sidoo kale loogu talogalay in lagu xuso dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee dunida dacaladeeda iyo in la xuso dhammaan shaqsiyaadka naftooda u huray la dagaalanka dhibkani.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment