Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida

Bulsha:- Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxaa socda qorsho ay dowlada Qadar magaalada Muqdisho uga furaneyso Safaarad cusub.

Qorshahaani ayaa waxaa dowlada Qadar ka garabsiinaya Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxa uuna qorshuhu yahay in laga raro dhismo KMG ah oo iminka ay ka degan tahay eeryada Isgooyska LM4, gaar ahaan dhismihii hore oo ay degneyd Safaarada Turkida.

Dowlada Qadar ayaa dooneysa in dhismaha Safaarada cusub ay ka dhigato Safaarada labaad ee ugu weyn Somalia oo ay ku leedahay dowlad Shisheeye iyadoo lamid dhigeysa Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Dhismaha Safaarada Qadar ee Muqdisho ayaa jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Sidoo kale, dowlada Qatar ayaa dooneysa inay muujiso doorkeeda arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhisme safaaradeed oo rasmi ah ku yeelato Caasimada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa si dadban u garabtaagan dowlada Qadar oo cadaadis Siyaasadeed kala kulmeysa dalal carbeed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment