Daawo Video: Soomaaliya oo Bilowday Dhismaha Ciidankeeda iyo Barnaamijkii ugu Waynaa oo Muqdisho loogu Qabtay

Bulsha:- Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Xalay waxaa lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan oo lagu Daah Furayey Teegerada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Taasi oo la doonayo inay Shacabka Soomaaliyeed garab istaagaan kana qayb qaataan dhismaha Ciidankooda.

Munaasibada ayaa waxaa ugu horayn lacago kala duwan uga dhowaaqay Qaar kamid ah Shacabka Muqdisho, Qurbajoog iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

R/wasaare Xasan Cali Khayre oo Khudbad ka jeediyey Barnaamijka Daah Furka Taageerada Ciidanka ayaa tilmaamay inay Soomaaliya horey u socon doonto, Wuxuu Xusay in hadii dib loo noqdo ay tagay Qabyaalad iyo dagaal sokeeye, Hadii Halka la joogto maanta la istaago ay tahay Qarax iyo Argagixiso, Balse Horey loo socon doono.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Muhiimada ay leedahay Dhismaha ciidanka iyo Taageerada Shacabka Soomaaliyeed maanta looga fadhiyo inay la garab istaagaan, Wuxuuna Halkaasi uga dhowaaqay Gudiga Arintaasi uu u xilsaaray, isagoo sheegay inay Toos lacagtaasi isaga ugu soo dhacayso gacantiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment