Daawo Video: Axmed Madoobe oo ka Warbixiyey Shirkii Muqdisho, Dhismaha Ciidanka, AMISOM iyo War uu beeniyey

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaa oo uga qeybgalay shirkii golaha amniga Qaranka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehlinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar), oo hordhac u ah golaha xukuumadda oo la filayo in Khamiista nagu soo aadan shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Kismaayo, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeennada iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha oo imaatinkiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu uga soo qeybqagalay shirkii golaha amniga Qaranka, isagoo xusay in shirkaasi guul kusoo dhamaaday.


Waxa uu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee looga hadlay ay kamid ahaayeen sidii loo qaabeyn lahaa ciidamada qalabka sida, difaaca iyo dhismaha guud ee ciidamada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Waxa uu xusay in sidoo kale laga wada hadlay sidii loo suurogalin lahaa in laga maarmo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ammaanka dalka ay la wareegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka la isku khilaafay, isagoo warbaahinta ku eedeeyay in ay baahisay warar xaqiiqada ka fog oo ku aadan shirkii golaha amniga qaranka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment