DAAWO:- Magaalada Lamu ee dalka Kenya oo qax uu ka billowday kadib markii Shabaab….

Bulsha:- Dadka kunool  deegaanka Laamu ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay ka barakacaan Guryahooda ka dib markii ay kordheen Weerarada degaankaasi ay ku qaadayaan Al-Shabaab.

Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay Magaalada , waxaana ay sheegeen hadii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.

Dadkaan ayaa ka naxsan Weeraro maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Lamu iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada ee ku yaalla xadka Soomaaliya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ka badan yihiin boqol qoys.

Arbacadii ayaa la dilay Afar Sargaal oo ka tirsan Ciidamada booliska degaanka Pandagou , waxaa sidoo kale Meydadka 9 qof oo la gowracay lasoo dhigay degaanka Jim Habeenkii Jimcaha.
Dowladda ayaa xalay sidoo kale shaacisay in degaankaasi lagu soo rogay Bandow si loo xaqiijiyo Ammaanka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment