Daawo La-Yaabka Dunida: 86 Sano Jir Ah Tuuganimo Ku Jirtay In Ka Badan 65 Sano

Bulsha:- Haweeney 86 sano jir ah oo ku caanbaxday xatooyada waxyaabaha dumarku xirtaan ee sida dahabka oo kale ayaa markale loo maxkamadeeyay xatooyo.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Doris Payne ayaa sida la sheegay ku hawlanayd xatooyadu tan iyo sanadihii kontomaadkii, waxaana haatan lagu sii daayay dammaanad.


Waxaa lugta uga xirnaa qalab lagu la soconayo dhaq-dhaqaaqeeqa oo lagu xiray kadib markii ay dukaan wax ka xadday.Payne waxay soo qaadatay sannadooyin badan oo xarig ah oo wakhtiyo kala geddisan ahaa. Waxa la aaminsanyahay in ay xadday dahab qiimihiisu lagu qiyaasay labo milyan oo doolar, waxayna ka soo muuqatay warbixin laga saameeyey 2013-kii.

Qof ka shaqeenayey dukaan ayaa arkay iyadoo wax ka xadaysa farmashiyo lagu iibiyo dawooyinka, dukaan lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya iyo xitaa goobo lagu iibiyo qudaarta.”Waxaan ka hadlayno waa waxa daruuriga ah ee ay u baahan tahay qof 86 sano jir ah si ay u noolaato. Waxa ka mid ah cunno, iyo daawooyin”

Waxa dhowaan lagu helay dambi ah in ay xadday dahab gaarayey labo kun oo doolar, kaasi oo ay ka xadday dukan ku yaala magaalada Atlanta.

Waxa lagu xukumay xabsi guri, waxaana laga mamnuucay in ay ka dukaamaysato dukuumada ku yaala magaalada.

Saraakiisha ayaa sheegay in haweenaydan ay adeegsatay ugu yaraan 22 magac oo kala geddisan tan iyo markii ugu horraysay ee ay xadday dahabkii ugu horeeyay markii ay da’deedu ahayd 23 sano, waxaana laga yaabaa bay leeyihiin in ay jiraan xatooyo badan oo ay samaysay oo aanan loo xirin ama loo maxkamadeyn.


WARBIXIN DOCUMENTERY LAGA SAMEEYAY 2014-kii DAAWO









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment