Buug Arimaha galmada ka hadla oo shiinaha aad looga hadal haayo sababta waa maxaay

Bulsha:- Buug ardayda Shiinayska ah lagu baro waxyaabaha galmada ku tacaluqa oo dhan ayay dad daban ka soo horjeedsadeen iyaga oo isticmaalaya barta bulshada Shiinaha ee Weibo.

Buuggaas ayaa riqiis ku tilmaamay gabdhaha galmo sameeya guurka ka hor.

Buugga oo arrintaas sii faahfaahinaya ayaa sheegay in guurka galmada ka horreeya uu gabdhaha u keeno “dhibaato badan oo dhanka maskaxda iyo jidhkaba leh”.

Buugaas ayaa wax laga baraa ardayda dugsiga sare dhigata.

Waxaa markii u horaysay la daabacay buugaas 2004, laakiin waxaa la isla dhexmaray markii uu macallin soo galiyay barta bulshada ee Weibo qaybo ka mid ah cashiradiisa.

Dadka Shiinayska ah ayaa bilaabay in ay isla wadagaan iyaga oo ku sheegay labo wajiilenimo.

Buugan ardayda ee ay daabacday 21st Century Publishing Group ayaa intaas ku sii daray in “gabdhuhu aysan jacayl ku helin jidhkooda oo ay ku deeqaan ee taas badalkeeda ay hoos u dhigto”.

“Calaaqaadka galmaduna uu sababi karo in gabadhu ay ku waydo jacaylkii loo qabay”.


Qolada daabacday buugan oo la hadashay warbaahinta dawladda ee Global Times ayaa sheegay in erayada la isticmaalay aysan aflagaado ahayn.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment