Boqoradii Hore Ee Bollywoodka Kajol Devgan Oo Markaan Dooneysa Inee Noqoto Shaqsi Aflaamta Maalgalisa!!

Bulsha:- Xidigaha Bollywoodka ee qaab jiliinka heerka sare ka gaareyn sido kalena lacag badan ka tabcadeyn Bollywoodka ayaa markaan doonayan inee ayaga aflaamta maal galiyaan oo ay qarashkooda ku bixiyaan halka markii hore ay ahaayen kuwa ayaga mushaar uun ku qaata filimka ay sameynayaan.

Hadaba dhanka atariishoyinka waxaan horey uheeysanaya xidigaha ay ka midka yihiin Priyanka Chopra iyo Anushaka Sharma hadase liiska waxaa soogashay Kajol Devgan oo markaana Producer noqon doonto.

Wareysi lala yeeshtay xidigtaan ayaa lagu weydiyay sababta aysan filim Bollywood ah asyan usaxiixan tan markii ay sameysay Filimkii Dilwale ee la daawaday 2015 wixi kadambeyay Kajol oo arinkaa ka jawaabeysa waxay tiri,

“ Haa wasax waan ogahay inaan wali Filim Bollywood ah aanan saxiixanin, balse aniga ma doonayo inaan filim walbo iska sameyo aniga ee waxaan kaliya sameynayaa filimkii iqanciya oo aan kahelo.”

“Marba hadaan Filim Sameynaayo oo aan Qoyskeyga ka mashquulayo Filimkaas waa inuu ahaado filim aad u fiican oo iqanciya sido kale waan rabaa inaa sameyo aflaam Bollywood ah hadii aan arko fariin iqancisa.”
“ waxaanba sameyn doona aan maal galin doona aflaam Bollywood ah waayo waxaa Bisha September sitoos ah u shaqo bilaaweyso shirkadeyda aflaamta maal galin doonta, aadbaan ugu faraxsanahay midaasna sido kale waan soo gabagabeyay sameynta filimkeygii udambeyay ee VIP 2 kaaso aan sugaayo kaliya inta tiyaatarada laga saari doono.”

Dhanka shaqada Kajol filimkeedi u dambeyay waa Velaiila Pattadhari 2 (VIP 2) kaaso ay la hogaaminayaa xidigaha kala ah Dhanush, Amala Paul, VIvek Saranya Ponvanam waxaana Director ka ah Soundarya Rajnikanth qorshahana waa in la daawado Bisha Aug ee sanadkaan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment