10 sano oo ay deganaayeen Jaamacadda Gahayr, maxaa laga dhxalay ciidamada Burundi?

Bulsha:- Ciidamada Burundi oo ka mid ah Howlgalka Amisom ee Soomaaliya kuwoodii ugu horeeyey waxa ay Muqdisho soogaaren 13 December 2007 markaas oo Magaalada ay ka socdeen Dagaalo u dhaxeeyey Dowladdii KMG ahayd iyo Mucaaradkii ka hortaagnaa , Saldhiga ugu weyn ee Burundi ay ka dageen Muqdisho waxa uu ahaa Jaamacadda Gaheyr ee Degmada Dharkenleey.

Dhibaatooyinka ay la kulmeen intii ay jaamacada Gahayr daganaayeen.

Burundi intii ay daganaayeen Xarunta Gahayr waxa ay la kulmeen weeraro uga yimid kooxaha Dowladda kasoo horjeeda 8 april 2008-dii  Qarax Xoogan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay la kulmaan Ciidamada Burundi ayaa Ka dhacay Jaamacadda Gahayr oo Saldhig u ahayd qaraxaas oo Gaari loo adeegsaday  waxaana ku dhintay 13 Askari.Magaalada Bajan Buura ee Dalka Burundi waxaa isugu soo baxay ehelada askartii ku geeriyootay weerarkaas ka dhacay Saldhiga Jaamacadda Gahayr waxa ayna dowladda Burundi ka codsadeen in ay wiilashooda dib usoo celiyaan  balse dowladdu kama aysan jawaabin.

Sidoo kale waxaa jiray Hoobiyaal iyo miinooyin jidka lagu aasay oo waxyeelo u geystay intii ay xeradan daganaayeen.

Dhibaatada Shacabku ku qabeen.

Saldhigan waxa uu ka mid ahaa meelaha Amisom ay u isticmaasho duqeymaha ay magaalada u geysteen kuwaas oo sababay dhimasha dad badan oo shacab ah, si kaduwan weerarada lala damacsan yahay saldhigoodan waxaa waxyeelo badan kasoo gaartay dhowr jeer dad ku safrayey wadada Maadaama ay dagan yihiin marin muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo Afgooye.Qaraxyada ka dhaca agagaarkooda kadib waxaa dhacday sidoo kale in rasaas ay furaan ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah kuwaas oo ay ku jireen ardey waxkabaraneyey Jaamacadaha Muqdisho.

Maxaa laga faaiiday Saldhigooda.?

Ciidamada Burundi inta ay ku sugnaayeen Jaamacadda Gahayr waxa ka hirgaliyeen Cisbitaal ay si lacag la’aan ah dadka ugu daweeyaan, waxa ayna adeeg caafimaad siiyeen dad dan yar u badnaa iyaga oo ku guuleystay Qaliimo halis ah oo ay qaarkood u sameeyeen.

Adeegyada dadka ka agdhawaa Saldhigooda ay u qabteen waxaa kale oo ka mid ahaa Koronto bilaash ah oo ay siiyeen qoysas labo kun ka badan oo ku noolaa Xaafadaha ku hareereysan inkasta oo sanadkii ugu dambeeyey ay ka jareen.Nalal waaweyn ayey ku xireen hareeraraha saldhigooda kuwaas oo sooceliyey bilicda deegaanka maadaama iftiin markii hore uusan ka jirin, iyada oo dadku bilaabeen in ay xittaa habeenkii ku lugeeyaan.

Ugu dambeyn maxaa sababay in ay ka guuraan.

Laga soo bilaabo 2012-kii dowladda Soomaaliya waxa ay waday Dadaalo lagu soo celinayo Jaamacaddii umadda Soomaaliyeed oo ka koobneed 7 qeybood, 2014-kii ayaa si rasmi ah dib loogu furay Jaamacadda Umadda oo si KMG ah u dagtay dhismihii Luuqadaha lagu baran jiray ee dhabarka dambe ee Hotel Shabeele Degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Muhiimad weyn ay u leedahay in Ciidamada Burundi ay ka baxaan qeybtii Gahayr ee Jaamacadda Umadda taasna ay ka caawineyso in ay sii fidiyaan adeegyada waxbarasho ee ay hayaan.

“Muddo ayaan wadnay howshan ugu dambeyna waan ku guuleysanay ayuu yiri Gudoomiye Jimcaale”
Shirka Golaha wasiirada ayaa horey qodobadii uga soo baxay waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Milatariga ah looga saaro Magaalada oo la dajiyo meelaha duleedyada ah, meelaha dadka Muqdisho ay baahida u qabaan oo Ciidamadu dagan yihiin waxaa ka mid ah Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

W/D Xasan Maxamed Daahir









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment