Uurka iyo uureysiga

Bulsha:- Waqtiga sida caadiga ah uur la qaadi karaa, waa inta lagu jiro waqtiga caadadu maqantahey. Uurku waa laga bilaabo waqtiga ugxanta la bacrimiyey ey ku dhex kotro ilmagaleenta hooyada ilaa ilmuhu ka dhalanayo. Uurka waxa la sidi kartaa ku dhawaad 9 bilood ama 40 todobaad. Uureysiga waxa laga soo tiriyaa maalinta ugu horeysey ee caadadii ugu dambeysey, taas oo ah qiyaastii laba todobaad kahor inta aaney bacriminta lafteedu dhicin. Waxa la umulaa qiyaastii 40 todobaad kadib caadadii ugu dambeysey.

Inta badan dumarka uurka lihi waxey uurka lahaadaan iyaga oo aan la kulmin dhibaatooyin halis ah, waxaaney dhalaan ilmo dhameys ah. Gabadh kasta oo noorwiiji ahi waxey isku celcelis dhashaa laba carruur ah, waxa markaas dhasha qiyaastii 55000 carruur ah sannad kasta.

Astaamaha

Astaanta ugu horreysa ee badanaa lagu garto uurka waxa weeye caadada oo iman weyda. Waxa farmasiga laga iibsan karaa aalad lagu tijaabiyo uurka oo loo qaadan karo guriga, ama waxa tijaabo kaadi loo geyn karaa dhakhtarka.

Gabadha uurka lihi, waxey badanaa saddexda bilood ee ugu horeeya dareemeysaa wiswis iyo xanuun. Waxa kale oo ey dareemeysaa daal iyo caajis. Astaamaha kale waxa ka mid ah naasaha oo xanuuna iyo ibta naasaha oo yeelata midab ka badan sida caadiga ah. Waqtiga ugu fiican ee dumarka uurka leh badankooda waa marka ey yihiin 4-7 bilood. Badankoodu waxey dareemaan iney xoog iyo tamar miidhan yihiin waqtigan.

Ilmuhu inta uu weli caloosha hooyadii ku jiro (fosteret)

Gabadha uurka lihi waxey dareemi kartaa in ilmuhu soo gujinayo markey tahey 4 ilaa 5 bilood. Dumarka hore u dhaley, waxey badanaa dareemi karaan waqtigaa kahor. Waxa laga yaabaa in bilowga la dareemo dhaqdhaqaaqa ilmaha dhawr jeer todobaadkii, laakiin marka dambe waxa la dareemaa maalin kasta.


Marka 7 bilood la yahey miisaanka ilmuhu waxa weeye qiyaastii 1 kg dhererkiisuna waa qiyaastii 35 cm. Ilmuhu waqtigan waa dhameys, inta badanna wuu badbaadaa haddii uu dhasho waqtigan. Laakiin aad ayey u horeysaa haddii waqtigan la dhalo, waa muhiim markaa in gabadha uurka lihi waqtigan si fiican isu ilaaliso. Waa iney iska dhawrto qaadista wax culus iyo iney si xoog ah isu lurto. Calooshu aad ayey u soo weynaataa dhammaadka uurka. Miisaanka gabadha uurka lihina wuu kordhaa. Waxa ku adkaan karta neefsiga. Waayo ilmaha ayaa soo cadaadinaya muruqa laabta ka hooseeya.

Ilmuhu aad ayuu u koraa bilaha ugu dambeeya uurka. Dhammaadka bisha 8aad miisaanka ilmuhu waxa weeye ilaa 3 kiiloogaraam. Inta lagu jiro bisha ugu dambeysa inta aan la umulin kahor ayuu ilmuhu isrogaa, madaxa ilmuhuna wuxuu soo galaa misigta hooyada. Wax kastaa waa diyaar in la dhalo. Qiyaastii 40 todobaad kadib ayuu ilmuhu dhashaa. Norwey celceliska miisaanka carruurtu ku dhalataa waa 3,6 kiiloogaraam.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment