Uurka iyo Dhalmada : Daryeelka Naftaada Kadib Markaad Weyday Ilmahaagii Raysashada jidhka iyo niyadda

Bulsha:- Waayitaanka ilmuhu waa waayo-aragnimo aad u adag. Hooyooyinka
qaar, waxay ku timaadaa uur caadi ah kadib, oo ah waxaan la filanayn.
Qaarna, waxa jira calaamooyin digniin ah muddada uurka. Si kastaba
ha ahaatee, waayitaanku waa wax adag. Waanu ka xunahay ilmaha kaa dhintay.
Dareenka muruguda ka sokow, waxa laga yaabaa inaad dareento cadho,
danbiile, murugo iyo niyadjab kale oo badan. Waxa laga yaabaa inaad
jeclaysato inaad keli ahaato, ama inay kula joogaan qoyskaaga iyo
saaxiibadaa. Dhammaan dareenadaasi waa qayb caadi ka ah tiiraanyada.
Shaqaalahaaga bulshada ayaa ku siin doona taageero iyo macluumaad si
uu idiinka gargaaro adiga iyo qoyskaaga sidii aad uga kaaban lahaydeen
niyad-xumada la xidhhidha waxaad weydeen toddobaadyada iyo bilaha
xiga. Ilaha khayraadka qaar aya lagugu siin doonaa xagga danbe ee
xaashidan. Waxa kale oo aad kala hadli kartaa lataliye xagga taageerada
iyo hagitaanka muddada wakhtiga adag.
Tamartaada
Waxa laga yaabaa inaad dareento daal badan maalmaha hore kadib
marka uu kaa dhinto ilmahaagu. Ta kale, dhalmada lafteeda ayaad
isticmaashay tamartaadii kaydsanayd, oo xaalkaaga niyad ahaaneed ayaa
isna fuuqsanaya tamartaada. Isku-day inaad hesho nasashada ugu badan
ee suurtagal ah. Yara seexo markaad karto.
Waxa kale oo isbedeli kara nidaamkaaga hurdada iyo cuntada.
Waxyabahaas oo dhanna waa caadi.
Daryeelkaaga La-socodka
Waxaad u baahanatahay inaad kaqabsato dhakhtarkaaga ballan
6 toddobaad kadib dhalmada.
Dhakhtarkaaga ayaa fiirin doona si uu u hubiyo inaad ka raysatay uurkii
iyo dhalmadii. Ha seegin booqashadaas muhiimka ah.

Raysashada Jidh ahaaneed..

Raysashada niyadda ka sokow, jidhkaaga ayaa mari doona marxalado isbedel
dhalmada kadib. Macluumaadka boggag xiga ayaa sheegaya wixii caadi ah
iyo waxaad uga wacayso dhakhtarkaaga. Waxa kale oo jira macluumaad la
xidhiidha ku noqoshada hawlahaagii caadiga ahaa.
Calaamadaha Dignninta ah
Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii:
• Heer-kulkaagu noqdo 101°F (38.3°C) ama ka badan.
• Qoyso neebka dhan oo ah dhiiga ka imaanaya xubintaada hoose saacad kasta ilaa
2 ama 3 saacadood.
• Ay ay ku gaduudato, bararto, ama ku xanuunto lugta hoose ama bawdadu.
• Yeelato madax-xanuun aan ku tagayn is-baxnaaninta caadiga ah sida biyo
cabbitaanka, nasashada, ama qaadashada Tylenol.
• Haddii ilmo lagugu qalay oo nabarkaagii xooga furan yahay, dheecaan
ama dhiig ka imanayo, ama meeshu duduudantay, jilicday, ama xanuun
leedahay.
• Dareemayso inaad naftaada ama qof kale waxyeelayso. Waxa kale oo aad
wici kartaa kiliinigaaga ama Emergency call
yurub 211 America 911
• Aad welwel dareemayso in aanad sugi karin ilaa ballanka xiga ee
kiliiniga. Marku shaki galo, hubi inaad wacdo.
Wac kiliinigaaga 24 saacadood gudahood haddii aad:
• Xinjiro ka imanayaan xubintaada waaweyn suulkaaga.
• Dheecaan ka imanayo xunintaada six un u uraya.
• Murugaysan tahay, tiiraanyooayso, ama qabto cabsi ka dheer intii aad u
malaynayso inay ahaan lahayd.
• Welwel ka dareemayso in aanad sugi karin ilaa ballanka xiga ee kiliiniga.
Qabqabadka (xanuunka leh) ee Moxogga
Waxa laga yaabaa in lagu qabqabto moxogga (makaanka) ayaamaha hore ee
raysashada. Kuwaas “xanuunka kadib ah” waxa dhaliya ilmo-galeenka oo
dib u ururaya ilaa qiyaastii uu leekaa uurka kahor. Xanuunkaasu waxay ba’an
yahay 2 ama 3 maalmood ee hore oo marka danbe wuu sahlanaadaa.
Qunyar neefsiga, neef-tuurka dabacsan iyo ku kubaynta biyo diiran ayaa
laga yaabaa inay ku anfacaan. Dhakhtarkaagu waxa laga yaabaa inuu kugula
taliyo ibuprofen (Motrin, Advil, ama Nuprin) oo xanuunka aad u qaadato.
Ilmo-galeenkaagu wuu sii yaraan doonaa ilaa muddo 6 toddobaad ah.
Muruqyada calooshaadu waxa laga yaabaa inay qaadato muddo ka badan 6
toddobaad siday ugu soo noqon lahaayeen sidii ay ahaayeen uurka kahor.

Bararka Naaska iyo Dareerka (caanaha)

Dhalashada kadib, naasahaagu waxay samaynayaan caano hore oo gaar ah,
oo la yidhaa danbar “colostrum”. 1 ilaa 3 maalmood gudahood, caanahaagii
caadiga ahaa “ayaa imanaya” (buuxinaya naasahaaga). Waxa laga yaabaa
in nasuhu ku baraan oo jilcaan markay taasi dhacayso. Naasahaagu waa ku
xanuuni karaan ama adkaan karaan. Dhibtaasi waxay ku dhamaan ilaa dhaw
maalmood, ilaa caanuhu bilaabayaan inay gudhayaan.
Ha ka lisin caanaha naasahaaga. Taasi waxay u sheegaysaa jidhka inuu
caano kale sameeyo. Kolba inta aad listo, ayuu jidhkuu caano kale
samaynayaa.
Candhasaab, baraf naasaha la saaro, iyo suun aad laabta iasaga warrejiso
ayaa kaa nafisin kara dhibta. Si aan naasahaaga u xidho, tuwaal
(shukumaan) ama maro dheer ku duub laabta oo isku qabo. Dhakhtarkaagu
wuxu kuugu la talin karo xanuun-biiye. Dawooyinka naasaha “qalajiye”
lama amaanin.
Naasahaagu waxa laga yaabaa inay caano qubaan. Maro khafiifa saar ama
waraaqda naasnuujinta (aan balaastik lahayn) geli candhosaabka si uu u
nuugo caanaha oo uga joojiyo dareerka dharkaaga.
Dhiiga xunintaada iyo Soo-noqoshada Dhiiga Caadada
Dhiiga ka imanaya xunintaada dhiiga ka socda meeshii madheertu kaga
xidhnayd ilmo-galeenka iyo gudaha makaanka. Socodka dhiigu sida badan
waa xoog oo xoog guduudan maalmaha hore. Dabeedna wuxu idku-bedelaa
khafiif midabka, dabeedna cawlaan. Haddii uu yeeshu dheecaankaasu ur
qadhmuun, dhakhtarkaaga u wac isla markiiba.
Qaddarka dhiigu wuu yaraadaa markay maalmaha iyo toddobaadyadu
gudbaan. Haddii uu kugu kordho qaddarka dhiigu, ama uu guduud noqdo
hadana, waa inaad in badan nasataa. Socodka dhiiga ka imaanaya siilku
wuxu socon karaa ilaa 6 toddobaad. Waxyaabaha la geliyo “tampons”, kuwa
lagu buufiyo, ama istijada lagulama talinayo. Dhiigii caadada ee caadiga
ahaa wuxu bilaaban doonaa 6 ilaa 8 todoobaad.
Bararka Lugaha
Bararka luguhu waa caadi wakhitgan oo kale. Waa inuu ku tagaa 7 ilaa 10
maalmood. Ha xidhan dhar kugu dhagsan haddii qabto luga bararsan oo aan
tagay, luga xanuun, ama guduutan qaybaha hoose ee lugtaada.
Nafaqadfa
Ha is-caatayn si culays kaaga dhaco 6 toddobaad ee hore. Waxay dib u dhigi
kartaa raysashadaada. Kala hadal dhakhtarkaaga baahiyaahaga cuntada
(nafaqada) wakhtigan muhiimka

Jimicsiga iyo Waxqabadka

Qunyar ku-noqoshada hawlahaagii caadiga ahaa waxay kaa gargaari doontaa
raysashada oo ay kaa ilaalin doontaa daalka. Toddobaadyada dhawrka ah ee
xiga:
• Ka shaqee daryeelka naftaada.
• Warso gargaar markaad u baahato.
• Hubi inaad ogolaato marka gargaar laguu fidiyo.
• Sug ilaa baadhitaanka 6 toddobaad kadib si aad ugu noqoto orodkii,
jimicsigii, ama jimicsiyadii kale ee adkaa. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi
markay habboon tahay inaad bilowdo jimicsi, ama inaad sugto muddo
dheer.
Jimicsiyada Kegel
Baro sida loo sameeyo jimicsiyada Kegel si ay kaaga gargaaraan raysashada
iyo xoojinta muruqyada moxogga.
• Markaad kaadhshayso:
— Bilow kaadida, dabeedna qabo socdkeeda oo muruqyada xeji ama
adkee.
— Hay inta aad karayso, dabeedna sii daa.
• Dhawr jeer maalintii, adkee oo dabci isla muruqyadaas markaanad
kaadshayn.
Nabarada Bogsashada ama Episiotomy
Waxa laga yaabaa inay kugu yaalaan qodobo halkii sillka laga jeexay ama
episiotomy, oo jeexitaan uu ku sameeyey dhakhtarku daloolka siilkaaga in yar
kahor dhalmada. Qodobadaas waxay ku baa’baan 2 ama 3 toddobaad.
Intaad bogsoonayso, waa kuwa talooyin kaa gargaaraya sidaad u dareemi
lahayd raaxo:
• Hoostaada ku qoy biyo adoo isticmaalaya “qubayska sitz” ee ay
kalkaalisadu ku siisay. Ama, ku qoy biyo diiran guriga dhexdiisa..
• Jiifso ama dhinac u jiifso, oo ka ilaali culayska qodobada.
• Isticmaal buufiska bakhtiiya.
• Isticmaal marada daawada leh (sida Tucks) oo saar qodobada.
• Qaado xanuun-biiyaha, sida uu dhakhtarkaagu kugu lataliyo.
• Hubi inaad biyo diiran ku shaydhiso (dhaqdhaqdo) hoosta kadib markasta
oo aad kaadido. Isticmaal dhalada aad ka soo qaadatay cisbitaalka.
Babaasiirta
Waxa laga yaabaa inaad yeelato babaasiir (xidida malawadka oo bukooda)
maalmaha danbe ee uurka. Babaasiirtaas waxa laga yaabaa in dhalmadu sii
kiciso. Badi babaasiirtu waxay la socotaa uurka oo dabeedna tagtaa dhalmada
kadib.
Sida aad uga ladnaato xanuunka babaasiirta:
• Hoostaada ku qoy biyo adoo isticmaalaya “qubayska sitz” ee ay
kalkaalisadu ku siisay. Ama, ku qoy biyo diiran guriga dhexdiisa.
• Isticmaal marada daawada leh (sida Tucks).
• Isticmaal buufiska ama tuujiska bakhtiiya.
• Hubi inaad biyo badan cabto.
• Cun midho iyo caleen badan si calooshu kuu socoto oo xaarku si dhib kuu
soo dhaafo.
Galmada iyo Qorshaynta Qoyska
Ma jiro sharci la xidhiidha marka aad ku noqonayso galmada. Sida kuu sahlan
iyo baahidaada ayaa sheegi taas. Hase ahaatee, dhakhtaradu badi waxay ku
taliyaan:
• Sug galmada ilaa inta uu dhiigga ama dheecaanku ka joogsanayo
xubintaada.
• Isticmaal kiniika dhalmada. Waa fiicantahay inaad sugto ilaa ugu yaraan
6 bilood kahor intaanad uur yeelan mar kale, si jidhkaagu u raysto gebi
ahaantiis. Haddii aad foolatay muddadii kahor, waxa fiican inaad sugto
ugu yaraan 1 sanno kahor intaanad qaadin uur kale.
• Isku-day inaad isticmaasho dufan biyo ku qasma sida kareemada
K-Y Jelly haddii engeeg ku aragto siilka markaad galmoonayso.
Kala hadal dhakhtarkaaga qaababka lagu joojiyo dhalmada joojiya ee aad
rabto, oo ay ku jiraan:
• Kiniinada dhalmada joojiya – dhakhtarkaaga ayaa kuu qori kiniika kuu
fiican.
• Kondhomyada iyo xunbo – kuwaasi ma laha dhibaato waxaanay ka
dhawraan qofka cudurada galmada lagu kala qaado.
• Irbada dhalmada joojisa “Depo-Provera” – tani waxay ku dhamaataa
3 bilood, oo waxaad heli kartaa irbada hore kadib markaad ka soo baxdo
cisbitaalka.
• Mid la is-geliyo “Diaphragm” – waa in lagugu qiyaaso oo dib laguu
geliyo kadib dhalmada, waayo qaabka jidhkaagu wuu isbedelayaa uurka
awgiis. Qiyaastan ayaa waxay dhacdaa 6 toddobaad baadhitaanka kadib.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment