Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyey dalab daan-daansi ah oo ka yimid xulufada Sacuudiga

Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa ku gacan seertay dalab ka yimid afar dal oo Carbeed oo ku saabsan inay xirto saldhiggeeda milatari ee dalka Qatar, ayada oo sheegtay in saldhiggaas uu damaanad qaado ammaanka gacanka carbeed.

Waxay dalabka kasoo baxay xulufada Sacuudiga ku qeexday faro-gelin cad oo lagu sameynayo xiriirka ay la leedahay Qatar.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Turkiga, Fikri Isik ayaa sheegay in weli uusan arag dalabka dalalka carbeed, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkiga marnaba aanu isbeddel ku sameyn doonin heshiiskii Qatar ay la galeen 2014-kii ee saldhiggaas lagu sameeyey.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay 13 dalab oo ay u gudbiyeen Qatar ku dareen in la xiro saldhigga Turkiga.

“Saldhigga Qatar waa saldhig Turkey iyo mid sugaya amniga Qatar iyo gobolkaba. Waa saldhig muhiim ah, mana jiro dal faro-gelin ku sameyn kara” ayuu yiri wasiirka.

Turkiga ayaa kordhiyey ciidamada iyo qalabka milatari ee saldhigga Qatar ka jooga, wixii ka dambeeyey markii dallaka carbeed ay go’doomiyeen dalka Qatar.
Dowladda Turkiga ayaa taageerta Qatar, waxaana madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan uu go’doominta Qatar ku macneeyey “mid ka baxsan qayimka Islaamka iyo bani aadannimada”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment