Theresa May oo war cad kasoo saartay mustaqbalka dadka midowga Yurub ee UK ku cool

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay inay dooneyso in saddex milyan oo ah muwaadiniin ka soo jeeda waddamada Midowga Yurub ee ku nool Britain ay joogaan, ka dib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Mrs May ayaa sheegtay inay yeelan doonaan xuquuqo la mid ah kuwa ay muwaadiniinta Britain u leeyihiin caafimaadka, waxbarashada, faa`iidooyinka iyo lacagaha dadka howlgabka noqda la siiyo.

Dowladda ayaa sameyn doonta wax walba oo ay awooddo si ay u fududeyso hannaanka u damaanad qaadaya xaqa ay u leeyihiin inay sii joogaan muwaadiniinta Midowga Yurub ee Britain ku noolaa muddo shan sano ah.

Madaxa midowga Yurub u qaabilsan wadaxaajoodka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, Michel Barnier, ayaa sheegay in ujeeddadiisa ku aaddan xuquuqda muwaadiniinta ay ahayd in lagu guuleysto dhowrid la mid ah tan sharciga Midowga Yurub uu dhigayo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment