Shaqaalaha Dowladda Federaalka oo la Fasaxay 3-da Maalin ee soo Socota

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa warqad uu soo saaray maanta ku sheegay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa hey’adaha gaarka ah la fasaxay 3-da maalin ee soo socota.

Maalmaha ciida ayaa badi la fasaxaa shaqaalaha dowladda, waxaana sanadkani isku soo aaday Maalinta ciida iyo Munaasabada 26-ka June oo ku began maalinta Isniinta ah, taasi oo lagu xuso israacii Gobolada waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka Soomaaliya.



Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shaqaalaha hey’adaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidul Fitriga 2 maalmood iyo hal maalin oo ah maalinta xuriyadda ee gobollada Waqooyi 25-26-27 June 2017 oo maalinta 26 June loo soo raray maalinta Talaadada.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha L. 11 Qod. 30aad, farqada 2aad iyo xeerka shaqada(Labour Code 65) ee soo baxay 18/10/1972dii, qodobkiisa 86aad Faqradiisa(b) in ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalmahaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment