Puntland oo Somaliland usoo Jeedisay Eedayn Culus iyo Jawaab ay ka bxisay

Bulsha:- Maamul goboleedka Puntland ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay in xidhiidh ballaaran la leeyahay Ururka Al-shabaab ee ka dagaalanta Qaybo kamid ah dalka.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ku sugan Garoowe ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ku sheegay in dagaalyahannada hubeysan ee ka dagaallama buuraleyda Galgala ay ka yimaadaan dhinaca Somaliland, Waxuu xusay in xarumo tababar ay ku leeyihiin degaanno kamid ah Somaliland, islamarkaana dhaawacooda loo qaado dhankaasi.

“Nimankaan wixii aan ka dhaawacno waxaa loo qaadaa gobollada Waqooyi sida magaalada Burco, waxyaabo badan ayaa jira oo is soo taraya waana laga xisaabtami doonaa, Somaliland kalama hadal arrimahan waxyaabo oo aan ka wada hadli jirnay waa ay jiraan, laakiinse kuwaan kalama hadal, dadka Soomaaliyeed waxba kama qarsana waana la ogyahay waxa ka jira Somaliland iyo xiriirka raggan kala dhaxeeya” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale Wasiir Qarjab ayaa xusay in Puntland ay dadaal ugu jirto sidii ay u adkeyn lahayd ammaanka xuduudaha ay la wadaagto Somaliland si lagaga hortago falalka amni darro.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Cismaan Saxardiid Caddaani oo ay arrintani wax  laga weydiiyey ayaa gaashaanka u daruuray eedaha Puntland kaga yimid, wuxuuna ku sheegay kuwo aan laga fiirsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ku dadaalayso nabadgalyada gobolka islamarkaana aynaan jirin wax xiriir ah oo ay la leedahay waxa loogu yeero argagixisada.
Waxaa uu taas bedalkeeda wasiirku sheegay in Al-shabaab la garanayo meelaha ay ka yimaadaan oo aynaan waxba ka jirin wararka Puntland ka soo yeeray.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment