Pooja Hegde Wey Iska Diiday Inee Kahadasho Filimkeeda Xigi Doona Ee Ay La Hogaamin Doonto Mahesh Babu!!

Bulsha:- Pooja Hegde waa mid kamid ah atariishoyinka manta fanka kucusub kuwooda ugu quruxda badan, xidigtaan waxay sameysay Filim Bollywood ah oo ahaa Mohenjdro kaaso ay la hogaamisay Super Star Hritik Roshan.

Sido kale aflaam dhowr ah oo koonfur ahna way kasoo muuqatay, hadaba waxaa la isla dhexmaray in Suldaan Mahesh Babu ay filim la keeni doonto.

Xidigtaan ayaa saxaafada mar fursad ku heshay suaalahana weydiisay, balse Pooja wey iska diiday inee ka hadasho mowduucaas.

Waxayna tiri ayadoo hadleyso,” waan kaxumahay, waqtigaan kama hadli karo wax kusaabsan filimkaas.”

Dabcan Pooja amar uma qabto in filimkaan aan wali xataa magac loo bixinin ay wareysi kabixiso, balse xiiso aye yeelan doonta marka ay shaashada la wadaagto Suldan Mahesh Babu.

Dhanka shaqada Pooja filimkeeda xiga waa DJ kaaso ay lasoo wado Stylish Actor Allu Arjun oo ay marki ugu horeysay la shaqeyneeso waxaana filimkaan la daawan doona jimcadan nagu soo foodleh oo ay taarikhdu ku began tahay 23 June 2017.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment