Muqdisho oo maalmaha soo socdo geli doonto xaalad amni oo aad loo adkeeyey, Maxaa soo cusboonaaday?

Bulsha:- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo geli doonto xaalado amni oo aad loo adkeeyey iyadoo la raacayo nashqad iyo qorsho uu amniga Magaalada u dajiyey taliyaha nabad sugidda qaranka Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa dajiyey qorshe diyaarsan oo lagu sugi doono amniga Muqdisho, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo si weyn looga dareemo arrintaa Magaalada oo dhan, waxaana Maalmaha qaar shacabka la fari doonaa inaysan meelaha qaar imaan isla markaasna aysan guryahooda kasoo bixin iyadoo laga hortagayo falal amni xumo oo Magaalada ka dhaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho u sameysay ciidamo loogu magac daray (Xasilinta Muqdisho) kuwaas oo inta badan amniga Magaalada wax badan ka badalay kadib markii la yareeyey hubkii tirada badnaa ee Magaalada lala dhex mari jiray.

Magaalada Muqdisho ayaa laga sameyn doonaa howlgal weyn oo lagu sugayo amniga,  waxaana Magaalada Muqdisho loo kala qeybin doonaa qeybo kala duwan oo kala go’doonsan si looga hortago weeraro looga bartay Al-Shabaab inay soo qaadaan 17 Ramadaan oo ku beegan maalintii uu dhacay dagaalkii weynaa ee Uxud, waxaana bishaan Ramadaan ee hadda socoto muuqato in si weyn looga hortagay weeraradii  ay Al-Shabaab ka sameyn jireen Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliyayaasha Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in 90 Maalin gudahood wax badan laga badali doono amniga Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya wadaa dadaaladii ugu dambeeyey oo ay ku dhiira gelineyso ciidamada Xasilinta Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment