Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Soomaliya ee Al-shabaab

Bulsha:- Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka ay Liiska Argagixisada ka saartay Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan ”Abuu Mansuur”.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in dib looga fiirsanaayo Kiiska sababay in Abuu Mansuur lagu daro Liiska Argagixisada adduunka, kadib markii ay dhowr sano ka hor kala irdhooben Al­shabaab.

Wadaadkani lagu magacaabo Abuu Mansuur, ayaa horay usoo noqday Horjooge ku­xigeenka Hogaanka Sare Shabaab, waxa uuna mudooyinkaani danbe ahaa mid gooni u goosat ka ahaa Shabaab.

Abuu Mansuur, ayaa sidoo kale horay usoo noqday Afhayeenka maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay uu shaaciyay inuu isaga baxay waxa loogu yeero Al­qaacidada Somalia ee Shabaab.

Sababta uu Abuu Mansuur, uga baxay maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu sheegay in muddo Seddex jeer uu ka baxsaday weeraro loo qorsheeyay in lagu dilo.

Sidoo kale, Abuu Mansuur ayaa go’aankiisa ka bixitaanka Shabaab soo degdegay wixii ka danbeeyay dilka Saaxiibadii gaarka ahaa ee Abuu Mansuur Alamriiki iyo Ibraahim Afgaani oo xiligaa garab u ahaa Wadaadka laga saaray Liiska Argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay warbaahinta madaxbanaan hadal hayeen in Abuu Mansuur uu isku soo dhiibayo DFS isla markaana uu u socdo wadahadal.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment