Mohamed bin Nayef oo caddeeyey mowqifkiisa xilkii dhaxal-suge ee laga qaaday

Bulsha:- Dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Nayef, ayaa taageeradiisa u ballan qaaday dhaxal-sugaha cusub ee lagu beddelay Mohammed Bin Salman oo ah wiilka boqor Salman Bin Abdul Aziz.

Wareegto kasoo baxday boqortooyada ayaa arbcadii xilka dhaxal-suge looga qaaday Mohammed Bin Nayef oo ah 57 jir uu adeer u yahay boqor Salmaan, waxaana beddelay Mohammed Bin Salman oo 31 jir ah, kaasi oo horey u ahaa ku xigeenka dhaxal-sugaha.

Muuqaal uu baahiyey taleefishinka qaranka Sacuudiga ayaa muujiyey Mohammed Bin Salman oo salaamaya Mohammed bin Nayef, kuna leh “weligey kama tagi doono taladaada”.

Mohammed Bin Salman ayaa sidoo kale sii ahaan doona wasiirka gaashaandhigga, isaga oo dushana kala socon doona dadaallada isbedellada loogu sameynayo dhaqaalaha dalkaas.

Mohammed bin Salman oo ahaa ku xigeenka dhaxal-sugaha, ayaa sidoo kale iminka noqon doona ra’iisul wasaare ku xigeenka Sacuudiga.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in is-beddellada la sameeyey ay ansixiyeen 31 ka mid ah 34-ka xubnood ee golaha baayacada ee boqortooyada Sacuudiga.

Dhaxal-sugihii hore, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salman, Mohammed bin Nayef ayaa laga qaaday dhammaan xilalkii uu hayey, oo uu ku jiro wasiirkii arrimaha gudaha, sida digreetada lagu sheegay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment