Maxaa iska bedelay go’aanka ay Somaliland hawadeeda uga mamnuucday diyaaradaha Qadar?

Bulsha:- Maamulka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay diyaaradaha laga leeyahay dalka Qadar ee weli isticmaalaya Hawadda maamulka xili dhawaan ay shaaciyeen in diyaaradaha Qadar aysan isticmaali karin hawada maamulka.

Maamulka ayaa sheegay inay sii kordhayaan cadadka diyaaradaha Qadar ee sida tooska ah u isticmaala hawada, kuwaa oo aan u joogsan amarka ay Somaliland ku joojisay isticmaalka hawadeeda.

Farxaan Aadan Heybe oo ah Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Qadar ay xadgudub qaawan ku heyso hawada maamulka.

Heybe waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid laga xumaado, Maadaama Somaliland ay horay Hawadeeda ay uga mamnuucday diyaaradaha dowladda Qadar.

Sidoo kale, Heybe waxa uu cadeeyay in ilaa iyo hadda ay hawada Somaliland maamusho Hay’adda QM, oo diiday inay mamnuucdo duulimaadyada Qadar ee isticmaalaya hawada maamulka Somaliland.

Heybe ayaa sidoo kale, tilmaamay in diyaaradaha Qadar ay hawada Somaliland ku isticmaalan ogolaanshi ay ka heystan dowlada Somalia.

Geesta kale, Wasiirka ayaa ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah diyaaradaha Qadar ee isticmaala Hawada maamulka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment