Maxaa iska bedelay amni daridii ay ku Caan baxday Magaalada Muqdisho ?

Bulsha:- Waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda Howlgalada Hub ka dhigista oo ay fulinayaan ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho.

Howlgalada ayaa waxaa barbar socda baaritaano lagu hayo gaadiidka shacabka ee u kala gooshay dhammaan degmooyinka kuwaa oo laga dhex baadi­goobayo maleeshiyaadka Al­shabaab.

Howlgalada oo socda muddo laba Asbuuc ah ayaa xal u noqday amniga magaalada Muqdisho, waxaana meesha ka baxay dilalka iyo Qaraxyada caadada ka ahaa magaalada.

Ciidamada ku howlan amniga ayaa si wanaagsan ula dhaqma dadka shacabka ah, waxaana xusid mudan in ciidamada ay wada shaqeyn xad dhaaf ah kala dhexeyso dadka magaalada Muqdisho oo u muuqda kuwo garwaaqsaday muhiimada amniga.

Howlgalada ayaa sidoo kale hoos u dhigay xadgudubka ay ciidamada dowlada ku hayeen dadka shacabka ah, waxaana magaalada isaga baxay inta badan ciidamada Militeriga oo dhibaatada ugu badan ay kala kulmi jireen dadka shacabk ah.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inay la xisaabtami doonto ciidamada ku howlan xasilinta magaalada Muqdisho ee xadgudubyada ay kala kulmaan dadka shacabka ah.

Go’aanka ay dowlada Federaalka ku xakameyneyso ciidamada howlgalada wada ayaa dhiiri galinaaya dadka shacabka, waxaana iminka muuqaneysa in laga gudbay amni darida ay magaalada ka dhex wadeen maleeshiyaadka Al­shabaab.

Dhinaca kale, waxaa degan xaalada magaalada Muqdisho, xili Bisha Ramadaan ay maleeshiyaadka fulin jireen weeraro xoogan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment