Ma Ogtahay Shraddha Kapoor Shaqada Ugu Horeysay Ee Ay Qabatay Inta Aysan Bollywood-ka Kusoo Biirin

Bulsha:- Jilaayaasha hada bollywood-ka ka xamaasho gaar ahaan jiilka cusub waxay kasoo jeedaan qoys awood ku leh bollywood-ka Sidaas ay tahay bollywood-ka waxay saameyn ugu yeeshaan qaab jiliinkooda wacan.

Sidoo kale waxaan wada ognahay jiilka cusub ee hada bollywood-ka ka xamaasha badanaa wax kusoo bareen dalka dibadiisa waxaana ka mid ah Shraddha Kapoor.
Ugu horeyn Shraddha Kapoor waxaa aabo u ah halyeey Shakti Kapoor oo gabadhiisa waxbarasho u geeyay Boston laakiin dhamaanteen ma wada ogeyn in Shraddha ay ka shaqeynaysa goob Coffee lagu cabeeyo oo caan ah kuna yaalo Boston Shraddha ayaana doonaysay in shaqadaas ka qaadato qibrad.

Qof u dhow Shraddha oo arintaan sharaxaaya ayaa yiri ” waxay go’aansaday in maalint kala bar ay shaqeyso si ay u dareento farxad xurnimo iyo in ay lacago siyaad ah ka hesho” si walbo ay ahaataba qof walbo wuxuu la cajabay shaqada ugu horeysay ee atariishadaan qabatay.
Dhinaca kale Shraddha sanadkaan waxaa usoo baxay filimka Half Girlfreind waxaana haatan u diyaarsan filimka Haseena Parkar, oo noqan doono doorkeeda ugu dhibka badan ee ay sameyso sidoo kale atariisahadan waxay sameyn doonto filimka looga hadlaayo Saina Nehwal director ka noqan doono Amole Gupte.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment