Ma Jiraa Qof Maalin Walbo Iska Faraxsan? Ogoow Jawaabtan Cajiibka Ah…

Bulsha:- Nolosha maalin walbo waxaad la kulmaysaa siyaabooyin kala duwan. Hadba waxay ku tiirsantahay waxaad ku sugantahay maalinkaas. Dunidda inta aad noloshahay noloshaada murug iyo farxadba wey kula soo derisayaan.

Sidaas darteedda waxaa loo baahanyahay inaad tahay qof dulqaadkeedda leh marwalbo. Ma jiro qof duniddaan loo keenay inay maalin walbo faraxsanadaan. Wadciga noloshaada ay soo marayso ayaa ah mid adiga tusaale fiican ku siini karo ama ka qaadani karo aragtida kusoo wajahi karo mustaqbalka soo socda.

Ogaaw guushaada waxay ku xerantahay hadba sidda aad ulla dhaqanto naftaada. Iskuday inaad raali geliso naftaada balse raali gelinta yaysan noqonin mid sidday doonta aad u yeesho naftaada.

Haddii aad tahay qof bini’aadam ah waxaad u baahantahay inaad maalin walbo ogaato waxaad qabanayso. Haddii aad ogaato maalin walbo waxaad qabanayso waxaa kuu suurta geli karto inaad horumar la taabani karo ka gaarto riyadaada. Ku dadaal lana soco hawlaha ku horyaallo marwalbo. Dunidda marwalbo waxaa sii kordho dhammaan hawlaha ay dhibaatada ay ka taagantahay qoysaska. Dabcan haddii aad hooyo mise aabo mise qofkale oo kugu qaali ah isku dhacdaan maalinkaasi kuuma ahan maalin fiican, maxaa yeelay waxaad isgashaan qof nolosha kuugu qaalsan.

Murugada iyo dhibaatooyinka kale ee aad wajihi karto maalin walbo waxaa ka mid ah sidda inaad imtixaanka iskuulka ama jaamacada aad ku dhacdo, saaxiibkaa kugu qaalsan nolosha inaad isku dhacdaan, dalkaada hooyo oo dagaal ka dhacaayo maalin walbo, ummaddii Soomaaliyeed ee aad ka dhalatay oo labo labo iskuugu dhegan iwm. Murugada ugu badan ee ay wajaheen ummada Soomaaliyeed waxaa ugu weyn dagaaladdii sokeeyay. Dagaaladii sokeeyay ee Soomaaliya waa dagaalo aan dhamaad laheen, kaasi oo bilaamay 1991di. Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la’aan iyo nolol la’aan oo 24 sano gaartay. Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay.

“Waxaa wax lagu farxo ah, inay jiraan halyeeyo Soomaaliyeed inay soo baxayaan wakhtiyadaan dambe, kuwaasoo aan ka rajeynayno inay sameeyaan isbedel muuqan kaa”

-Cabduljabaar Sheekh Axmed

Wixii ka dambeeyey bur-burkii dowladdii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre ee xukunka laga fara-maroojiyey 1991 ka dib markii jabhado hubaysan oo ay dalal shisheeye dhabarka ka taabanayeen dhinac walba uga soo daateen xeraddii Soomaaliya la oran jiray sidaasna dowladdii ku bur-burtay illaa maantay waxaa dalkeena soo maray marxalado kala duwan, kalana xanuun badan.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa horyaallo inay ku tusaallo qaataan murugada kasoo gaartay burburkii dowladnimada” -Cabduljabaar Sheekh Axmed

Waxaan jeclaani lahaa inaan kusoo gaba-gabeeyo maqaalkeyga in maalin walbo aysan ahayd maalinkaada ee waxaa loo baahanyahay inaad u dulqaadani karto maalmaha ay kula soo derisaan dhibaatooyinka iyo murugada. Ma jiro qof adduunkaan noolaani doono murug iyo farxad la’aan, xittaa haddii lagu siiyo lacag gaarayso bilyan iyo guryo waa weyn, diyaarado iwm wali waxaad la kulmi doontaa cabsi iyo murugo. Waxwalbo waxaad ugu bixi kartaa adigoo maalin walbo iska dayicin wakhtigaada iyo noloshaada. La soco marwalbo waxaad qabanayso maalin walbo, maxaa yeelay marwalbo oo aad wakhtigaada si fiican u maamusho waxaa kuu suurta geli karo inaad horumar ka sameyso naftaada iyo waliba inaad si fudud ku gaari karto hadafka noloshaada.

Fikirkaada Waa Muhiim










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment