Jack Wilshere oo xaqiijiyey inuu gabadhii riyada kula aqal galay dalka Talyaaniga

Bulsha:- Xiddiga kooxda Arsenal ee Jack Wilshere ayaa shaaca ka qaaday in gabadhii riyada uu dhowaan kula aqal galay dalka Talyaaniga.

Laacibka reer England ayaa gabadha la yiraahdo Andriani Michael oo ay muddo dheer wada socdeen la aqal galay sida uu ku xaqiijiyey bartiisa Twitter-ka.

Xafladda aroos ee labadan lammeen ayaa waxa ay ka dhacday Tuscany ee bartamaha waddanka Talyaaniga, waxaana ka soo qeyb galay qaar ka mid ah saaxiibada Wilshere ee dhanka kubadda cagta sida Benik Afobe, Wojciech Szczesny, Danny Welbeck iyo Dan Crowley.

“Waxaan Sabtidii la aqal galay gabadhii riyadeyda, wuu mahadsan yahay qof kasta oo yimid, isla markaana maalinka ka dhigay mid gaar ah.” ayuu Wilshere ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment