Indonesia oo markab gargaar ku wareejisay Dowladda Soomaaliya (Sawiro)

Bulsha:-   Dowladda Indonesia ayaa gargaarkii ugu horeeyay oo ay ugu talo gashay dadka abaaraha ku saameeyeen Soomaaliya ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Wasaarada gargaarka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeqdaan ka timid dalka Indonesia, waxaana madaxda wasaarada ay sheegeen in la gaarsiin doono shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada gargaarka Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay uga mahadcelineyso dowladda Indonesia gargaarka ay usoo tirtay shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dadka xaqa u leh.

Wasiir Maryam Qaasim, ayaa deeqdaasi waxay si toos ah ugu wareejisay guddiga gurmadka abaaraha heer Qaran, waxayna sheegtay inay amaano ku tahay gudigaasi.

Gudoomiyaha Hay’adda ICT ee dalka Indonesia Axyaa Wudiin oo Faahfaahin ka bixiyay deeqdaan ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Shacabka dalkaasi , islamarkaana dowladda Indonesia ay diyaar u tahay in ay labo jibaarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment