Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay arrin xasaasi ah oo ka sii dartay xiisaddii dalalka Carabta

Bulsha:- Imaaraadka Carabta ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn dhaqaale saari doonaan Qatar, halka dowladda Bahrain ay sheegtay in wax walba oo lagu ciqaabi karo Qatar ay miiska saaran yihiin.

Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale oo la gaarsiiyo Qatar ay lagama maarmaan noqon doonto hadii dalkaasi aanu ballan qaadin inuu beddelayo siyaasaddiisa hubeynta kooxaha argagixisada.

Qatar waa ay beenisay inay taageero siiso wax kooxo argagixiso ah.

“Anagu ma dooneyno inaan beddelo maamulka dalka Qatar, hase yeeshee waxaan dooneynaa in la beddelo siyaasadda dalkaas” ayuu yiri Gargash.

Hanjabaadda cusub ee Imaaraadka ayaa imaneysa ayada oo dowladda Kuwait iyo sidoo kale Mareykanka ay isku dayayaan inay xal u helaan xiisadda ka dhex aloolsan dalalka Carbeed.

Dhowr dal oo Carab ah, sida Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo kuwa kale ayaa horey xiriirka ugu jaray dalak Qatar oo lagu eedeeyey taageerada kooxaha argagixisada, iyo xiriir dhow oo kala dhaxeeya dalka Iran.
Cunaqabateyn dhaqaale ayaa dhaawac xoogan gaarsiin karta dalka Qatar oo si aad ah ugu xiran dalalka kale ee Carbeed ee deriska la eh.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment