Go’doominta Qatar oo faa’iido isu beddeshay, dhaawacna gaarsiin karta Imaaraadka

Bulsha:- Dowladda Qatar ayaa sheegtay in go’doominta ay saareen dalalka carabta ee xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay si lama filaan ah ugu noqotay mid ay ka faa’iideysan karaan.

Dalalkan ayaa hakiyey inta badan maraakiibtii tagi jirtay dekedda Hamad ee dalka Qatar, taasi oo dhalisay cabsi ku saabsan cunno yari soo wajahda dadka dalkaas.

Hase yeeshee kadib markii Qatar ay billowday marin cusub oo maraakiibta kusoo safraan, ayaa hadda saraakiisha dalkaas waxay rumeysan yihiin in tani Qatar ay ka caawin karto in hadda kadib aysanba isku haleyn dalalka Khaliijka.

“Tani waxayba noo noqotay arrin aan shar u haysanay oo kheyr isu beddeshay” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan dekedda Hamad.

“Hadda si iskeen ah ayaan heshiisyo ugu saxiixeenaa dekedda Hamad oo aan la geleyno shirkadaha wax dhoofiya, dekeddeena ayaaba noqon karta mid si toos ah u yimaadaan badeecadaha, oo aan naloo soo marsiin dekedda Jebel Ali ee Dubai” ayuu sii raaciyey.

Dekedda Jabel Ali ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Dubai, waxaana haddii dekedda Hamad ay noqoto mid aan alaabaha loo soo marsiin dekeddaas oo iskeed u taagan, ay tani dhaawac dhaqaale gaarsiin kartaa Imaaraadka.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment