Gabdho Muslimiin ah oo ka cawday in Poland lagu cunsuriyeeyay 28 Juunyo 2017

Bulsha:- Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub La wadaag qodobkan Facebook  La wadaag qodobkan Twitter  La wadaag qodobkan Messenger  La wadaag qodobkan Email  La wadaag
Gabdhahan Muslimiinta ah ayaa la yaabay cunsuriyaynta lagula kacayLahaanshaha sawirkaAFP

Gabdhahan Muslimiinta ah ayaa la yaabay cunsuriyaynta lagula kacay
Gabdho Muslimiin ah oo Jermal ah oo ciyaal iskuul ah oo Poland u tagay si ay u booqdaan goobtii uu ka dhacay xasuuqii Holocaust ayaa sheegay in dadka deegaanku ay midab takooreen intii ay safarkaas ku jireen.

Booqashadan ayaa ahayd mid waxbarasho la xiriirtay.
Gabdhahan oo ka socday iskuul ku yaalla magaalada Baarliin ayaa u warramay Idaacadda Deutschlandfunk radio Iyaga oo u sheegay wixii ay la soo kulmeen. Afar ka mid ah gabdhahaas oo xijaab qabay ayaa sheegay in tacadi loo gaystay.
Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegtay in candhuuf lagu tufay iyada oo dhex maraysa waddo ku taalla Lublin ka dib markii ay booliisku istaajiyeen iyaga oo iska muusoonaya oo aan wax dambi ah galabsanin.

Malaayiin Yuhuud ah ayaa lagu dilay xasuuqii Holocaust
Gabadh kale ayaa sheegtay in laga soo eryay dukaan ka dib markii ay ku hadashay luuqadda Persian-ka
"Way ii yimaadeen waxayna igu dhaheen 'ma bixi kartaa' dadka halkan jooga ayaad qasaysaa ee' waxaan is waydiiyay sabab? Sababtu ma waxay ahayd in aan ku hadlay Persian oo aan ajnabi ahay? Haa," sidaas ayay u sheegtay idaacadda.

UK: Gabadh Soomaali ah oo uur leh oo in ay xijaaban tahay loo jirdilay
Booliiska magaalada Lublin oo war qoraal ah soo saaray Talaadadii ayaa sheegay "in wax dacwad ah aysan ka soo gaarin daadkaas markii ay safarka ku joogeen.
Waxaa kale oo ay sheegeen in booliisku uu dib u baadhay kaameerooyinka ammaanka aysanna ku arkin wax dhacdo ah oo ay ku lugleeyihiin ajaaniib.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment