Gabar loo heesto in Saaxiibkeed ku qal qaalisay in uu is dilo oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Bulsha:- Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa lasoo taagay gabar dhalinyaro ah oo loo heesto in Saaxiibkeed ku qal qaalisay in uu is dilo, waxaana gabadhan loo heestaa in ay kaalin ku laheed falkaasi is dilka ah oo dhacay sadex sano kahor.

Michelle Carter, ayaa loo heestaa in door ku laheed falkii uu isku dilay saaxiibkeed Conrad Roy III oo 18-sano jir ahaa, waxaana gabadhan loo heestaa in saaxiibkeed ku qal qaalisay kuna boorisay in uu nolosha is dhaafiyo.

Dacwad oogayaasha Kiiskan gacanta ku haya ayaa ku eedeeyay Michelle Carter, in ay ku qal qaalisay saaxiibkeed in uu is dilo, waxaana la sheegay Conrad Roy III in uu u riyaaqay talada ay siisay saxaiibtiis sidaana uu isku dilay.

Gabadhan Dacwada lagu soo oaaga ayaa saxaiibkeed kahor inta uusan is dilin waxa ay u qortay fariintan” ‘Waa in aad samaysaa”, iyadoo ula jeeday, waa in aad is dishaa, sidaas waxa lagu soo bandhigay dokumeentiyo la hor geeyey maxkamada.

Fariinta ay gabadhan u qortay saaxiibkeed is dilay ayaa waxaa kamid ahaa ”” Diyaar ayaad tahay, waxa keliya ee aad u baahantahay in waa in aad daartaa matoorka, kadibna waxaad ahaanaysaa qof xor ah oo farxad ku noolaada’ .’ ugu dambaytii waxaad noqon doontaa qof farxad kunoolada janada dhaxdeeda, Xanuun dambe ma dareemi doontid. Waa arrin caadi in qofku uu baqo, sabatoo ah waxaad ku dhowdahay in aad dhimato.

Dacwad Oogayaasha ayaa sheegay in Fariimahan ay yihiin kuwii sababta u ahaa in uu is dilo wiilkan dhalinyarada ah oo mararka qaarkood dareemayay cabsi uu ka qabo in uu is dilo balse saaxiibtiis ku boorisay in uusan cabsan uuna is dilo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment