Florentino Perez oo xaqiijiyey in Neymar Jr uu tijaabada caafimaad u maray kooxda Real Madrid!

Bulsha:- Ka hor inta uusan ku biirin Barcelona laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa tijaabada caafimaad u maray kooxda Real Madrid, sida uu xaqiijiyey madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa u sheegay Onda Cero isagoo ka hadlayey arrinta Neymar: “Waxa uu Neymar tijaabada caafimaad u maray Real Madrid”

“Waxaan isku daynay inuu yimaado kooxda, laakiin waxaan aragnay in hal meel oo aysan suuro-gal ku noqoneyn, waxaana ka baxnay heshiiska.”

Markii dambe Neymar Jr ayaa ku biiray kooxda Barcelona oo uu iminka ka tirsan yahay sanadkii 2013-kii, iyadoo intaa kaddibna ay Los Blancos u weecatay soo xero gelinta Gareth Bale.

Real Madrid ayaana bishii September sanadkii 2013-kii waxa ay lacag rikoor ka noqotay suuqa kala iibsiga kooxda Tottenham kaga soo qaadatay laacibka garabka kaga dheela haatan ee Gareth Bale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment