Erdoğan oo kashifay waqtiga Sacuudigu Soo Afjari doonto Xiisada dalka Qadar

Bulsha:-  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdicasiis yahay furaha xalka khilaafka dowladaha Khaliijka.

Hadal uu ka jeediyey kulan ay yeesheen jimciyada guud ee dhoofinta Turkiga ee dhacay Shalay galab ayuu Erdogan ku yiri: “ Caalamka Islaamiga ah uma haboono inuu la kulmo ama arko inay laba dowladood ay xiriirka isku jaraan, waxaana leenahay awood aan ku xalino dhibaatadaan iyadoo la marayo wadahadal”.

Wuxuu tilmaamay in caawinaada uu u fidiyey dalka Qatar inaysan aheyn mucaarad ku aadan dowladaha Khaliijka, isla markaasna ay dowladaha xulafada la ah Sacuudiga ay weli lasii macaami doonaan ayna ganacsiyadooda ay ku leeyihiin dalkooda labaad ee Turkiga ay sii wadan karaan.

Erdoğan oo mar kale ka hadlay go’aanka Turkiga ee Khilaafka Khaliijka ayaa sheegay inuusan weli waxba iska badalin mowqifkii ay markii hore qaateen oo ah inaysan marnaba aqbali karin in Qatar lagu eedeeyo argagixiso isla markaasna go’doomin la saaro.

Wuxuu xusay inay dowladiisa ku dadaali doonto sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa Khilaafka dowladaha islaamka, wuxuuna xusay inuu xiriiro badan la sameeyey madaxda dowladaha is khilaafka.

Ugu dambeyntii Erdogan ayaa banaanka soo dhigay sir ku aadan xilliga la filayo inay dowladda Sacuudiga xayiraada ka qaado Qatar, maadaama ay tahay dowladda ugu tunka weyn hormuudkana u ah dagaalka lagula jiro Qatar.
Wuxuu sheegay inuu Boqorka Sacuudiga soo afjari doono dagaalka Qadar lagula jiro ka hor inta aanan la gaarin Ciida Islaamka ee (Ciidul Fidriga) oo ay ka dhiman tahay Asbuuc, kadib markii ay dhawr jeer wadada xiriireen.

Dowladda Qadar ayaa ah dowlad muhiim u ah Islaamka maadaama ay mar kasta garab istaagto shacabka Masaakiinta ah ee Reer Falastiin, waana abaalka ugu weyn oo ay islaamka dhan u hayaan Qadar.

Shucuubta Islaamka intooda badan ayaa garab istaagay Qadar, waxayna si weyn u dhaleeceeyeen Sacuudiga iyagoo ku tilmaamay inaysan hormuud u noqon karin Islaamka maadaama ay bilowday inay dagaalo iyo khilaafyo ka dhex bilowdo dowladaha Islaamka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment